Connect with us

somalilandtoday.com

Colaad ka macaash: Berbera mise Ciraaq (WQ: Abdikarim Ali Elmi)

Articles

Colaad ka macaash: Berbera mise Ciraaq (WQ: Abdikarim Ali Elmi)

Muddo kooban waxaan ku dhex jiraa ganacsiga Shidaalka. Waa ganacsi aad uga duwan shaqadii aan mudada dheer ka shaqaynayey ee Aviationka. Wax badan ayaa iiga kordhay shaqadan cusub.

Laakiin waxaan aad ula yaabay dhawrkii Gantaal ee ay xalay saqdii dhexe Iran riday dartood ayaa durba saaka qiimihii shidaalkii ku jiray haamaha Berbera ee muddo hore la keenay loo qaali gareeyey!

Waan fahmi karaa shidaalka hadda la soo iibinayaa inuu ka qaalisanaan doono kii ka horeeyey duruufaha ka jira bariga dhexe darteed, laakiin shidaalkii bil/bilo ka hor la keenay in maanta ay shirkadaha waaweyn ee shidaalka dalka keenaa (RED SEA, HASS, WARAABE, SOM PETROLEUM) inay qaali gareeyaan iyaga oo sabab ka dhigaya xiisada bariga dhexe ka jirta, waxaan u arkaa inay tahay ka faa`iideysi khaldan (Opportunism – الانتهازية) iyo degdeg ku macaash.

Image may contain: cloud, sky and outdoor
Image may contain: sky and outdoor

Cida culayska dhaqaale iyo qiimaha kordhay ku dhacayo ama saameynayaa waa dadweynaha gaadiidka wata.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top