Connect with us

somalilandtoday.com

Miisaaniyadii 2011-kii Maxamed Xaashi diyaariyey ayaa ka wax qabad badan sagaalkii miisaaniyadood ee ka dambeeyey

Articles

Miisaaniyadii 2011-kii Maxamed Xaashi diyaariyey ayaa ka wax qabad badan sagaalkii miisaaniyadood ee ka dambeeyey

Miisaaniyadii u horeysay ee uu diyaariyey wasiir Maxamed Xaashi Cilmi waxay ahayd 83-milyan dollar,waxaanu ka qaaday 47 milyan, waxay ka badnayd miisaaniyadii ka horeysay 70%, isagoo wax cashuur ah kordhin bal xiitaa dhimay cashuuro badan oo dadka laga qaadi jirey.
Mashaariicda waaweyn ee lacagtaasi yar ku qabtay waxay si toos ah u taabteen dadweynaha oo laga dareemay qoysaska danyarta ah oo ah dadka ugu badan bulshada Somaliland.

Mashaariicdaas waaweyn ee lacagta yar lagu qabtay waxay kala ahaayeen:

1. Wuxuu bixiyey lix bilood oo shaqaalaha iyo ciidamadu ku lahaayeen mushaharkoodii, madaama oo uu ugu yimid qasnad madhan iyo deyn xad dhaaf ah.
2. Mushaharka shaaqalaha iyo ciidamda oo boqolkiba boqol loo kordhiyey 100%.
3. 1500 oo macalin oo mushahar loo qoray si dugsiyada hoose/dhexe oo awal mushaharka ka qaadan jirtay lacagta waalidku bixiyo.
4. Dugsiyadii hoose/dhexe oo bilaash (Free) looga dhigay taas oo keentay in arday faro badan is qorto dugsiyadii dawladda
5. Wadadda Diilla, Bariijka weyn ee caasimadda oo uu miisaaniyada ku daray iyo in bulshada wax qabsanaysa la dhiirigaliyo oo cid kasta oo waddo dhisanaysa intaas ay dhisteen in leeg loogu deeqo, taas oo keentay tartankii wadooyinka ee gobolada oo hal mar waxa bilaabmay wadadda Dawga cad ee waqooyiga Hargeysa, wadda sallaxley, wadada Balligubadle, wadadda Waqooyiga Boorama, wadadda Burco iyo Hargeysa, waxaana taas dhaliyey in markay saddex KM dhistaan dawladdu bixinaysa saddexda ku xiga, waxaanay keentay inay dadkii ku tartamaan horumarinta wadooyinkooda dadkii wax qabsada ayaa wax loogu daraya.
6. Wuxuu kiciyey mishiinkii kalyaha oo dad badan u baahnaayeen oo illaa hada shaqeeya iyo sariiro cusub iyo tayeynta cisbitaalka oo uu lacag ugu daray.
Intaasi waa inta ka xasuusto ee muuqday oo ah I tus oo I taabsii.

Mar hadii uu intaas oo wax qabad la taaban karo sanad ku hirgaliyey miisaaniyad yar maxaad ka filan lahayd hadii afar sanno uu joogi lahaa, miyeyna hirgasheen kalmadiisa ah dalku wuu isku filan yahee waa la dayacay.

Dadka qaar baa moodaya inuu cashuurta la kordhiyey ama uu cashuuro cusub soo rogay, maya waxa uu sameeyey uun inuu ilaaliyo musuqmaasuqii lagu samayn jirey ilaha dhaqaaluhu ka soo baxaan, waxa kale oo uu sameeyey inuu dhimo tacriifado badan oo la qaadi jirey si dadku aanay uga baxsan cashuurta ku waajibtay.

Tacriifadaha uu dhimay waxa ka mid ah, Cashuurta Macaash-macaashka kirada Guryaha waxa laga qaadi jiray 22%, waxa uu ka dhigay 10 Percent, cashuurta shaqaalaha waxay ahayd 12% waxa uu ka dhigay 5% , wareejinta cashuurta hantida ma guurtada ah waxa uu ahaa 2% waxa uu ka dhigay 3%.
“, arintaa waxaanu u samaynay si aanu dadku u dareemin cashuurta laga qaado, Wasaarad Waxbarashada 43% ayaanu u kordhinay, Wasaarada Caafimaadka 86% baanu u kordhinay, Wasaarada Beeraha 83% baanu u kordhinay, Wasaarada Macdanta iyo biyaha 17% kiiba, halkaas wey yartahay, waxayna kalifaysaa, 5 Milyan qorshaha shanta sannadood Tog-wajaale, waxaanu doonaynaa in la beero oo cuntooyin aanu ka soo saarno, haddaanu lix bilood kordhinay dakhliga dalka 70%, waxaanu filaynaa marka aanu sanad joogno in aanu intaa in ka badan kordhin doono”ayuu yidhi Maxamed Xaashi oo ka hadlay waxa u suurogalisay inay korodho dakhliga miisaaniyadu.

Mar uu la hadlayey Tijaarta waxa uu yidhi “ tijaarta baryada waa in aynu ka dayno, haddii la yidhaahdo dariiqii Dilaa la samaynaya lacag keena, Biriij baa la samaynaya lacag keena, iyagana waxaan leeyahay anaga baryadu nooma fiicnee, cashuurta uun si toosa noo siiya, halkaa aynu ku kala faataxaysan.”.

Wasiir Xaashi waxa u qorshaysnaa inay shaqaalaha iyo ciidanku qaataan mushahar ku filan, waxanu sanadka dambe ku tallo jirey inuu kordhiyo mushaharka 300%, nasiib daro uma suurogalin, waxase xilkii kaga dambeeyey wasiir Samaale iyo wasiir Samsam oo qorshaha ugu jirin wax horumar ah in wax la cunno mooyee, marka kuma daro labadan wasiir isla xisaabtanka waayo wakhtigoodii waxay ahayd waxna ha qaban qawda maqashii.

Su’aashu waxay tahay:
Sanadkii 2018, sanadkii 2019 iyo sanadkan 2020 wax u dhigmaa mashaariicdaasi ma ku jireen ???
Miisaaniyadihii dambe way ka badan yihiin miisaaniyadii hore waxayna ku dhowdahay afar boqol oo milyan dollar.
Waxa kaliya oo labadaasi sanadood ka hayaa xukuumadda madaxweyne Muuse iyo wasiiradiisa maaliyadda saddex mashruuc oo kaliya, mashruuca wax soo saarka Beeraha, mashruuca shaqo Qaran iyo kor u qaadidda lacagta Shiling Somaliland oo sare u socday oo ay qiimo u yeeshay ??

Doodda isla xisaabtanku wuu furan yahay, wixii aan ka tagay idinka ku dari .

By:Barkhad-ladiif M. Cumar

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

Advertisement

Feaured

To Top