Runtu Ma Fantaa: ‘Maxa Xayiray Aqoonsiga Somaliland?’

Meeshu waa London, sannadkuna 2009, madashuna waa Machadka Chathim-House afaafkiisa hore, waana goor duhur ah oo laga soo baxay dood kulul oo ku saabsan Geeska Africa iyo Dimoqoraadiyada. ‘Aadan, ma ogtahay sababta Somaliland loo aqoonsan la’yahy’ ila iyo manta, ayada oo buuxisay shuruudii aqoonsiga oo dhan’. Sidaas waxa igu yidhi khabiir magac dheer leh oo Ingiriis ah, oo aanan magaciisa shaacinayn. Waxaan ku idhi ‘bal adigu ii sheeg sababta idinku Ingiriis ahaan aad noo agoonsan la’dihiin?. Waxu iigu jawaabay, ‘Maaha annaga oo keliya ee waa Adduunka oo dhan, aqoonsi si aad ku heshaan way adgtahay, wayna fududahay. ‘Marka Somaliland caddayso in ay ka hadhay sheegashadii dhuleed ee dalaka deriska ah (Kenya, Ethiopia iyo Djibouti) iyo mabd’a loo yaqaan ‘Somali-weyn’, ama marka dalaka dimoqoraadiyada taageeraa ku qanacaan in dimoqoraadiyada Somalialnd tahay mid aan xagal-daac looga cabsanayn, marakaas waanu ku khasbanahay aqoonsiga Somaliland’.

Haddaba, maxaa ka jira doodan odhanaysa in aqoonsiga Somaliland u xayiranyahay labada arrimood ee kor ku xussan ee kala ah, in ugu horrayn Somaliland qoraal ku caddayso in ay ka hadhay sheegashadii dhuleed ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ama si guud ba ka mabda’ii Somali-weyn, iyo tan labaad oo ah in aan weli kalsooni buuxda lagu qabin dimoqoraadiyada Somaliland, calaamadaha xagal-daaca ee soo if-baxaya dartood, kuwaas oo muujinaya dibugurasho sannadba sannadka ka dambeeya isa soo taraya. Bal haddaba labadan amuurood aan midba markeeda isdul taagno:

AMUURTA KOBAAD, oo ah mid aqoon ahaan fahamkeedu aad iyo aad ugu culus yahay, maahaa dadweynaha Somalilyeed ee caadiga ah oo keliya ee xataa syaasiyiinta naftooda, inta anigu aan arrintan kala sheekaystay oo aan haba yaraatee wax dareenba u lahayn. Culayska arrinkani waxuu ku jiraa su’aasha ah siyaasadda ku salaysan mabda’a Somali-weyn muxuu Somalida, guud ahaanba, dhib iyo dheef u keenay, waana arrin u baahan fiiro gaara oo ku salaysan baahida maanta taagan iyo jihada mustaqbalka loo socdo. Arrinkani waa mid aan Somalida keligeed kussaynin ee ay dhib iyo dheefba la wadaagaan dalalka deriska iyo adduunweynahu guud ahaanba, sidaas darteedna si weyn loo danaynayo loona sugayo waxa Somalida cusubi ka yeeli doonto ka dib taliskii magaca Somal-iweyn ku galay denbiyada Xasuuqa aadamaha, burburintii iyo caddaalad darradii sababtay fashalka dawladnimo ee taliskii Siyaad Barre hoggaaminayey. Taasoo Somalia iyo Somaliland ba looga fadhiyo in ay mawqif cad ka qaataan, si ay weji cusub oo aan kii dagaalka ahayn ee nabad, dimoqoraadiyd iyo deriswanaag doona si ay adduunka ula macaamilaan karaa.

Halkan waxaa xusid mudan saddex arrimood oo aan diblomaasyiin shisheeye ah ka soo xigtay:

Waa tan koobaade, markii dastooraka Somalia magaalad Nairobi lagu samaynayey waxaa si hoose loogu sheegay qaar ka mid ah siyaasiyiintii Somaliyeed ee halkaas goob-jooga ka ahayd in ay calanka shanta gees leh iyo astaamihii dawladihii hore ee muujinauey Somaliweynimada ay ka tirtiraan dastoorkan cusub. Waa arrinka labaade, markii ciidamada Ethiopia tageen Muqdisho dagaalkana la galeen ururkii Maxaakimta ayaa Axmed Silaano oo markaas mucaarad ahaa waxuu ciidamada Ethiopia ku eedeeyey in ay xasuuq u geesteen oo dad Somaliyeed, arrinkaas oo loo fasirtay in mabd’ii Somaliweyn weli hoosta ka noolyahay. Waa arrinka saddexaade, diblomaasiyi shisheeye ah ayaa dibloomaasi Somaliland ah weydiiyey sua’aal ah ‘haddaad Somaliland tihiin dhulkii Somalidu sheeganaysey ee Ethiopia iyo Kenya maxaad ka qabtaan’, Jawaabtiisiina noqotay sidin, Diyaar baanu u nahay in aanu ka wadahadalo. Saddexdan arrimoodba isugeyntoodu waxay muujinayaan, ayaa ay igula kaftameen, in haddii aad Somalida tihiin aydaan aqoonsanayn xuduudihii gumesiga reer Europe Africa u dhigay oo ay hadda nabadda iyo degenaansha Africa ku dhisantahay. Mid ka mid ah dibloomasiyiinti aanu sheekaysanayney oo ka mid ah oo dawladaha deriska ah ayaa si adag iigu dhigay oo yidhi ma yeelayno in Somaliland la aqoonsado ila ay ka caddaynayso in aanay dhulkayaga qayb ka mid ah dib u sheeganayn.

ARRINTA LABAAD, oo ah in adduunweynuhu aanu kalsooni buuxda ku qabin in geeddi-socodka dimoqoraadiyada Somaliland yahay mid aan xal-daac ku imaan Karin. La soco toddabaadka dame: adamjibril@hotmail.com