Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Lagu Dhaliilay Xayiraadda Uu Ku Soo Rogay Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Dowlada Iiraan

focus

Mareykanka Oo Lagu Dhaliilay Xayiraadda Uu Ku Soo Rogay Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Dowlada Iiraan

(SLT-Washington)-Saxafiga falanqeeya arrimaha siyaasadda Mr Marcus Steven Papadopoulos,ayaa sheegay in shirkadaha baraha Bulshada sida Google Facebook iyo Twitter aysan madaxbanaani xidhiidh dhowna la leeyihiin Dowlada Mareykanka.

Mr Papadopoulos oo ka hadlayay xanibaada la saaray ciwaanada saraakiil ka tirsan dowlada Iiraan ayaa intaa raaciyay in Mareykanka iyo Ingariiska ay ku tumanayaan xoriyada Hadalka.

Wuxuu intaa raaciyay in wadamadan ay doonayaan in aduunka ay ku raaxeestaan halka ay xanibaad ku hayaan Iiraan si aan waafaqsaneyn shuruucda Caalamiga.

Mr ayaa dhanka kale tilmaamay in Washington iyo London ay iska dhigayaan kuwa mas,uul ka ah fikirka dhamaan wadamada reer Galbeedka.

Saxafigaan falanqeeya siyaasada ee u dhashay UK ayaa ugu danbeyn sheegay in Mareykanka marwalba uu isku dayi doono in uu meesha ka saaro madaxbanaanida wadamo ay ka mid tahay Iiraan.

Ugu danbeyn wuxuu tilmaamay in xayiraada lagu soo rogay cinwaanada madaxda Iiraan ay isbadal keeni doonin dowlada Tehraan maadaama aysan daneynin adeegsiga baraha Bulshada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top