Connect with us

somalilandtoday.com

KENYA Oo Loo Doortay Hoggaanka Ilaalada Xeebaha Bariga Africa

focus

KENYA Oo Loo Doortay Hoggaanka Ilaalada Xeebaha Bariga Africa

Dowladda Kenya ayaa markale dib loogu doortay hoggaanka ururka caalamiga ah ee Badaha, kadib shir ka dhacay magaaladda London ee Caasimada dalka Ingiriiska.

Kenya ayaa wakiil ka ah wadamada dhaca Bariga Africa, sida Burundi, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.

Nancy Karigithu oo ah wasiirka Badaha ee dalka Kenya oo ka hadashay dib doorashadan ayaa sheegtay in ay Kenya u suuragelineyso guushaani inay qeyb ka noqoto go’aan ka gaarida arrimaha Badaha ee dhammaan dalalka Caalamka.

Sidoo kale waxay wasiiradu ku faan tay in markale dib loogu doorto kursigaas oo ay ku mataleyso Kenya dalalka bariga Africa.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay dawacad dhinaca Badda oo u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwadda oo in muddo ah taagan ayaa waxa ay haatan hortaallaa Maxkamadda ICJ oo la filayo inay go’aan ka gaarto, si loo soo afjaro xiisada labada dal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top