Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Waji Cadaawadeed Tusaysa Dowladda Soomaaliya Kadib Markii Ay Tallaabadaan Qaadeen.

English

Sacuudiga Oo Waji Cadaawadeed Tusaysa Dowladda Soomaaliya Kadib Markii Ay Tallaabadaan Qaadeen.

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Sacuudi Carbaiya ayaan weli wax jawaab ah kasoo bixin safiir ay xukuumadda Federaalka u magacowda dalkaas muddo ku dhaw lix bilood ka hor.

Warbaahinta gudaha oo xiganeysa mid ka mid ah dadka u dhaw xukuumadda ayaa shaacisay in Sacuudi Carbiya ay qaaday tallaabo diidmo ah, inkastoo ayna jawaab usoo dirin, haddana aamusnaantooda waxa ay si diblomaasiyan ah u dhigantaa sida la fahamsan yahay diidmo.

Saraakiil kala duwan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Sacuudiga ay si cad u diideen safiirka la magacaabay maadaama ayna jawaab kusoo bixin muddo 90 maalmood gudahood ah, oo ah waqtiga ugu badnaan la sugo in laga falceliyo digreetooyinka noocan ah.

Xidhiidhka u dhaxeeya labada dowladood ayaa la dareemayaa inuu hoos u dhacay tan iyo markii uu dilaacay khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka Carabta, waxaana la fahamsan yahay in Sacuudiga aanu ku qancin sida ay Soomaaliya ugu dhawdahay dowladda Qatar oo ay xidhiidhka u jareen isaga iyo isbaheygisiiga.


Cabdiakiin Xasan Ashkir ayaa digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay inuu yahay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, balse digreetadu ma noqon mid la aqbalo iyadoo dhawr jeer ay safaro halkaas ku aadeen saraakiil sar sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan si ay arinta u xaliyaan basle lagu guuldareystay.

Soomaaliya waxay qiratay iney mowqifka khilaafka Khaliijka Carabta dhex-dhexaad ka tahay, hadana waxey dadka siyaasadda falanqeeya fahamsan yahiin inay dhanka Qatar u jilicsan tahay

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top