Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirweyne Caalami Ah Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen 46 Dal

(SLT-Nairobi)-Wefti ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay shir weyne lagaga hadlayey “mustaqbalka caasimadaha Adduunka” oo lagu qabtay Magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya, oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka socotay 46 dal oo Afrikaan ahi.

Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixin uu Wargeyska East African Business Week, ka qoray shirweynahaas oo ay madaxdii ka qaygashay ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Obasanjo iyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Shirkaas lagu falanqeeyey sidii hannaan wax ku ool ah wax looga qaban lahaa magaaleynta sii kordheysa iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka Afrika u baahan yihiin.

Kulankaas waxa ka qaybgalay Ku-Xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke Geelle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Mubaarig Cabdilaahi.

Mubaarig Cabdilaahi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa Wargeyska East African Business Week, u sheegay in Somaliland ay tahay dal raadinaya aqoonsi, isla markaana danihiisa ku maamulaya iyadoo aanay ciddi ka caawinaynin, waxaaanu xusay inay shirkan ka kasbanayaan waayo-aragnimo ku wajahan sida dalalka kale ee ka qaybgalayaa u maareeyeen horumarinta magaalooyinkooda waaweyn iyo adeegyada darruuriga ah ee ay shacbiga u qabtaan.

Waxa kaloo, Agaasime Mubaarig Cabdilaahi caddeeyey inay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berberi ay xilligan soo jiiteen maalgashadeyaasha caalamiga ah, waxaannu tilmaamay in maalgashadeyaasha shisheeye ay Somaliland ka heli karaan nabadgelyo iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah inay dhaqaale geliyaan JSL.

Shirweynahaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Brenthurst Foundation ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.