Turkiga Oo War Cusub Ka Soo Saaray Maxaabiis Ka Tirsan Kooxda Daacish Oo Ku Xidhan Dalkaasi

(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa ku dhawaaqay in dagaalyahanada Daacish ee gacanta ugu jira uu dib ugu celin doono wadamada ay asal ahaan ka soo jeedaan ama ay ka haystaan aqoonsiga Muwaadinimo.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu oo ka hadlay arintaan ayaa ku eedeyay wadamada reer galbeedka inay doonayaan sameynta sharci cusub oo lagula macaamilayo kooxda Daacish.

Mr Soylu ayaa carabka ku adkeeyay in Turkiga aanu aqbali doonin siyaasada ah in dagaalyahanada Daacish lagu hayo wadamada lagu qabtay.

Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in xabsiyada Turkiga ay ku xidhan yihiin ku dhowaad 1,200 oo maxaabiis ah oo ka tirsan dagaalamayaasha daacish kuwaasi oo 287 ka mid ah lagu qabtay howlgalka uu turkiga ku qaaday waqooyiga Suuriya.

Mar uu soo hadal qaaday in maxaabiista qaarkood oo muwaadinimada laga laabtay ayaa waxuu tilmaamay in Turkiga ayna wax ka galin balse diyaarado ay dalalkooda ugu safrin doonaan.

Maxaabiista kale ee Daacish ee ka soo jeeda Suuriya ayaa iyagana waxaa la geyn doonaa deegaanada uu Turkiga qabsaday ee ku yaalla dalka Suuriya.