Dawlad-Deegaanka Soomaalidu Ma noqon doonaa Xuddunta Soomaalida Geeska? W/Q. Yuusuf Garas

Qaybta kowaad :

  1. Hordhac:

Ummadda Soomaalidu xaggee ayay ka soo jeedaan asal ahaan? Ma Carab ayay ka soo jeedaan? Ma qoomiyadda Oromada ayay ka soo jeedaan? Mise Afrikaan ayay ka soo jeedaan? Jawaabta weyddiimahan, ilaa hadda si rasmi ah looma garan karo, mana jirto jawaab qudh ah oo ay ku midaysan aqoonyahannada iyo xeeldheerayaasha ku talaxtagay aqoonta taariikhdu.

Ummadda Soomaalidu waxa ay ka mid tahay qoomiyadaha deggan waddamada bariga Afrika. Shantii Soomaaliyeed, waxa ka suurtagalay in la helo saddex dawladood oo madaxbannaan, aakhirkiina laba dawladood oo saddexdii ka mid ahi markii ay isku darsadeen (British Protectrate Somaliland iyo Somali Italian) waxa soo hadhay laba dawladood oo madaxbannaan. Intii ka dambaysay burburkii dawladdii kelitaliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre 1991kii, goballadii Waqooyi ee Soomaaliya waxa ay dib ula soo noqdeen xornimadoodii. Laakiin ilaa hadda ma aanay helin wax aqoonsi ah, mana jirto dawlad qudha oo ilaa hadda dal madaxbannaan u ictiraaftay. Wixii burburka ka danbeeyay, Koonfurta Soomaaliya iyaduna waxa ay ku jirtay dagaallo sokeeye ama xaalado amnidarro ah. Intaa wixii ka danbeeyay, waxa lumay in aan si cad loo oddorosi karin meel ay saldhigan doonto iyo mustaqbalka halka uu ku dambayn doono aayaha ummadda Soomaalida ee Geeska Afrika. Marka la soo ururiyo, dhulweynaha Soomaalidu deggan tahay, maanta Jabbuuti oo qudha ayaa ka ah dal si buuxda u madaxbannaan; DDS iyo NFD waxa ay weli ka mid yihiin labada dal ee Itoobiya iyo Kiiniya. Soomaalilaand weli ma ay helin aqoonsi caalami ah, halka ay Koonfurtana weli tahay dal u baahan cid la dhista amnigii gudaha iyo nidaamkii dawladnimo ee soddonka sannadood soo burburayay.

Marka uu xaal sidaas yahay, su’aalo badan ayaa dadka dooda dhexmara oo ah mustaqabalka dadka ama ummadaha Soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika sida u noqon doono xaalkooda mustaqbal; haddii xaaladuhu sidan ku sii jiraan? Halka dhanka kale dooddu odhanayso, werwer ma laha oo ma noqon doonaan ummad dabargo’da ama ay lunto awooddooda ummadnimo ee ay ku leeyihiin mandaqadda geesku.

Gobalka Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Itoobiya, waxa uu ka mid yahay gobollada mahadiyay isbeddalkii siyaasadeed ee ka dhacay dalkan, 2018. Soomaalida deegaan ahaan deggan gobalku ma ay noqon kuwa qudha ee ka faa’iiday isbeddalkaas, bal se waxa arrintaas sida oo kale ku reeyay dhammaan cid kasta oo ka soo jeedda ama ku abtirsata sinjiga Soomaalida. Sababta oo ah, wixii ka dambeeyay isbeddalka siyaasadeed Jigjiga oo ah magaalamadaxda DDS, Jigjiga waxa ku soo qulqulayay tiro aad u badan oo ka mid ah ummadda Soomaaliyeed ee ka soo kala jeedda shanta gees ee Soomaalida. Sidaas darteed, waxa la odhan karaa, maanta waxa DDS iskugu yimid aragtidii siyaasadeed ee hore u fashilintay ee ahayd shanta Soomaaliyeed.

Marka aad dhex marto suuqyada kala duwan ee magaalda Jigjiga, waxa aad ku arkaysaa shantii Soomaaliyeed oo si bilaa dhibaato, bilaa xasarad, bilaa xanaf iyo bilaa cunfi ah ku wada nool ama ku wada shaahaynaya. Waxa xusid mudan in xukuumadda hadda taladda haysa ee gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Mustafe Cagjar ay si aan gabbasho lahayn oo sharaf iyo maamuus leh ugaga nuuxnuuxsatay fagaarayasha la iskugu yimaaddo in halkan xarunta Jigjiga ay tahay, noqon doontana, meel u siman oo kulmisa dhammaan dadka u dhashay qooyimadda Soomaalida, ama ujeeddo ahaan meel hoy u wada ah Soomaali oo idil. Siyaasadda caynkan ah ama khudbadaha madaxweynaha ee farriimaha sidan ah xanbaarsani waxa ay runtii si xooggan u gilgileen quluubta iyo laabaha qof kasta oo ka isiran ummadda Soomaalida ee ee siyaasadda nacaybshaha iyo xumaatada siyaasigu kala qoqobtay. Taasi waxa ay dhalisay in ay dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirradaan in ay yimaaddaan Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida, kii iman kari waayayna uu qalbiga duco iyo farxad uga soo diro.
La soco ……………….

W/Q. Yuusuf Garas
Addis Ababa
Ethiopia