Dabdemiska: Booyadaha Madaxda Waraabiya, Ciidan Shacab Maamulo, Mushaharka Raaga/Dheelliya

Qormada 1aad Ee Naarnaar: Gorfaynta Gaabiska Golaha Deegaanka Hargeysa: Toddoba Gu’ oo ay xilka hayeen

Qaadhaankii kowaad ee lagu dhiso ciidanka dab-demiska waxa wada bixiyay xukuumadda dhexe ee Somaliland oo ku dartay $200, 0000 (laba boqol oo kun oo dollar) iyo dawladda hoose oo bixisay $100, 0000 (boqol oo kun oo dollar), sidaas awgeed waa hawl-wadareed ay iska kaashadeen Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa. Ma aha libin ay cid gaar ahi sheegan karto. Haa, 2013kii bay ahayd.

Waxa qorista shaqaalaha lahayd Dawaldda Hoose ee Hargeysa. Xildhibaan kastaaba waxa uu keensaday dad badan. Taasi waxa ay sababtay in dawladda hoose ay bixin kari weydo mushaharkii dab-demiska. Si dhaqaale loogu abuuro, waxa dirqi (qasab) lagu diiwaan-geliyay gaadiidka tagaasida ah ee ka dhex goosha Hargeysa. Inta wadaha la qabto ayaa laga xereeyaa gaadhiga, kaddibna waxa baabuur kasta lagu dhuftaa shaambad gaar ah oo ay tagsi (taxi) ku qoran tahay. Looma samayn baro ay ka baxaan, iskaashato, maamul iyo la-xisaabtan. Berigaas ayay kala calfadeen wixii Alle u qoray. “Waar tagsi ma ihi. Waar waan ku shaqo-tagaa. Waar waan ku hoydaa” ayay lahaayeen qaar ka mid ah dadka gibirka laga qaadayaa.

Maalmihii hore waxa ay gaadiidka damdemisku istaagi jireen barxadda hore ee DHH, waxaanay handadaad ku hayn jireen gaadiidka waddada maraya. Haddii aad daqiiqad istaagto, waxa ay odhan jireen “waaryaa dhaqaaq”. Mar dambe ayaa loo dhisay xarun dhexe oo dhulkeeda laga qaaday dad shacab ah, ugu dambaynna waxa lagu fidiyay waaxyaha Hargeysa.

Laakiin marar badan ayaan is-weydiiyaa: dab-demisku ma ciidan baa mise waa shacab? Maxaan muranka ku keenay? Miyaad aragtay ciidan dawladed oo qof shacab ahi xil ka hayo?. Qaar ka mid ah askarta ayaan ku idhaahdaa “Ka warran ciidankii dab-demiska?”. Waxa ay yidhaahdaan “Ciidan ma nihin”. “Sawdinka leh derejada iyo kala-sarraynta, maxaa rayid idinka dhigay?” ayaan yidhaahdaa.

Waxa ay ku warceliyaan “Miyaad aragtay ciidan uu qof shacab ahi maamulo?. Taliska Guud ee ciidanka asluubta Hargeysa waxa ka awood badan nin agaasime ah oo la yidhaahdo Mustafe, isaga ayaa erya qofka uu doono, ka uu doono qora, isaga ayaa maaliyadda maamula, isaga ayaa awoodda ku tagri-fala”. Waxa ay ii sheegeen in uu ka mid yahay saamileyda shirkadaha qashinka ka qaada Hargeysa.

Miyaad maqasheen:
Agaasimaha Ciidanka Qaranka
Agaasimaha booliska
Agaasimaha Socdaalka
Agaasimaha Sirdoonka
Agaasimaha asluubta
Agaasimaha ciidanka ilaalada xeebaha

Dee maya, dee ma haynno, dee lama maqal agaasime rayid ah oo ciidan xukuma. Xaajadaasi mid innagu ugub ayay ahayd, waxa ay curad ku tahay ciidanka dabdemiska. Mar haddii dab-demisku noqday ciidan madax bannaan, miyaanay ahayn in dawladda hoose shaqo kale u dirato agaasimihii ay dabdemiska u magacawday markii ay socod-baradka ahaayeen?

Markii ay dawladda hoose ee Hargeysa bixin kari weyday mushaharka boqollaalka qof ee loo qortay dab-demiska, waxa ay qaylo-dhaan u dirtay xukuumadda dhexe. Waxa hadda bixinta mushaharka iska kaashada dawladda hoose iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Badh dawladda hoose ayaa siisa, badhna wasaaradda arrimaha gudaha, badhna labadaba way ka qaataan. Laba qof oo isku xil, shaqo iyo derejo ah ayaa midna dhawr milyan qaataa, midna milyan qudha. Ma jiro hannaan sugan oo mushaharka lagu sargooyay, hadba kii hela saxeex weyn ayaa sed-bursada, ka kalena wuxuu la silcaa googgo’a yar ee garab la’aantu ay badday.

Mararka qaarkood ayaa si gurracan looga faaiidaystaa awoodaha ciidanka dabdemiska. Tusaale ahaan, nin ka mid ah ciidanka dabdemiska ayaa yidhi “Maalin ayaa nalagu amray in aanu Bariga Hargeysa u baxno. Gaadhigii ayaannu dhaqaajinnay, marka aanu maraynno waddada u baxda xaafadda Buurta ee New Hargeysa ayaannu Woqooyi u leexanno. Waxa nala faray in aanu lix foosto ku shubno guriga Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde”. Ninka biyaha loo shubayaa xil buu hayay, xoolo la’aani ma hayso, intii shacabka lagu badbaadin lahaa ayuu baradiisa geysanayaa.

Haa, saw maaha wasiirka ay hoos tagaan dawladaha hoose iyo badhasaabyadu, miyaa la diidi karaa? Musuqa noocaas ah maxaad u bixin lahayd magac ahaan?. Tibaaxo kale ayaa ii sheegay in booyadaha dabdemisku ay ka dhaamiyaan guryaha qaar ka mid ah madaxda ugu sarraysa dawladda hoose, haddii taas wasiirkuba run tahay, maxaan u beenaysan tan kalena? Ka dhaariya inaanay jirin.

Maadaama oo ay ciidanka dab-demisku u socdaan hawlo gurmad ah, waxa ay yeedhiyaan hoonka marka ay jidadka cidhiidhiga ah marayaan, sannaadh iyo guux ayay isku daraan. Waxa ay handadaan baabuurta is daba haysata faras-magaalaha cidhiidhyoon. Waana loo banneeyaa waddooyinka. Dadka waxa la liqsiiyay inaanay magdhaw ka helaynnin khasaaraha ka soo gaadha hirdida moodharrada dab-demisku. Waxa se yaab inay dhaqankan caadaysteen. Iyaga oo aan hawlgal ku socon ayay dadka ku hadimeeyaan dhakhsaha iyo dhawaaqa ay qiilka u haystaan. Nin wade ka ahaa baabuurta dabdemiska ayaa qof ku jiidhay Hargeysa kal hore, waxa yaab ahayd in aanu wax hawlgal ah u socon ama ka iman.

Gaadiidkii badbaadada shacabka ayaa noqonaya bir qudh-jarta aadame aan waxba galabsan. Marar badanna gaabiskooda ayaa sababa in ay gaadhaan goobtii lagu socday oo shuf-beeshay. Meeday wershaddii furaashyada ee Khayraad? Saw ma shuf-beelin.. Hadba booyad ayaa tegaysay barada holcaysa, kaddibna way madhataa iyaga oo dabki fidayo. Inta kolba booyad silic ah la dirayo ayaa ee ay dib u noqonayso ayay galbatay wershaddaasi.

Dad badan ayaa ku gadooda dab-demiska marka ay gaadhaan xilli dambe oo ay guryahoodi shuf beeleen. Waa sababta ay shacabku dhulka ugu taabtaan ee dhagaxa loogu shiido, walaw ay gef tahay in shacabku gacanta u qaadaan ciidanka, waxa xilliyada qaarkood waxyeello qoon ah la gaadhsiiyay askar ka tirsan ciidanka dab-demiska. Si waxyeelladaas looga baaqdo, waxa gawaadhida dabdemiska lagu wildhamiyaa garaaid ka sarreeya muraayadda hore iyo kuwa dhinacyada.

Waa inoo berri iyo qormo kale oo dab-demiska ah insha Allah.

La soco…..

W/Q Siciid Maxamuud Gahayr