Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Sharciyeynta Dhul-beereedka Gobolka Selel iyo Degmada Lughaya

focus

Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Sharciyeynta Dhul-beereedka Gobolka Selel iyo Degmada Lughaya

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa soo saaray wareegto oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ku caddeeyey inay joojiyeen sharciyeynta dhul-beereedka Gobolka Selel iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kadib markii uu batay khilaafka dhinaca dhul beereedku.

Wasiirka Beeruhu wuxuu wareegtadiisa ku socod siiyey Guddoomiyeyaasha gobollada Awdal iyo Selel oo uu ku wargeliyey in laga bilaabo maanta oo 29ka September ah, uu joojiyey dhammaan sharciyeynta dhul-beereedka Selel iyo Lughaya, illaa amar dambe ka soo baxayo Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed wuxuu madaxda gobollada Awdal iyo Selel iyo masuuliyiinta laamaha ammaanka ee gobolladaas u soo jeediyey inay dhaqan geliyaan wareegtadaas uu ku joojiyey sharciyeynta dhul-beereedyada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top