Xuutiyiinta Yemen Oo Noqday Khatar Ku Soo Kordhay Khaliijka, Iyo Hanjabaad Ay U Direen Imaraadka.

(SLT-Yemen)-Kooxda Xuuthiyiinta oo sheegatay inay fulisay weerarkii Sabtidii lagu qaaday laba xarumo shidaalka laga soo saaro ee dalka Sacuudiga ayaa Arbacadii Hanjabaad cusub u diray dowladda Imaaraadka ee xulafada kula ah Sacuudiga dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Afhayeenka Militariga ee Xuuthiyiinta Yehia Sarea oo shalay shir jaraa’iid qabtay ayaa jawaab u diray dowlada Sacuudiga oo iyaduna shalay soo bandhigtay natiijada baadhitaanka hordhaca ah ee weeraradii Sabtidii oo ay Boqortooyada Sacuudiga ku eedaysay dowlada Iran.

Yehia Sarea ayaa sheegay in iyagu yihiin kuwa fuliyey weerarka isla markaana ay hubka ay sameysteen awood u leeyahay inuu duqeeyo magaalooyinka fog fog ee wadanka Sacuudiga, wuxuuna digniin cusub u diray dowlada Imaraatiga oo uu sheegay inay hada dhankooda isha ku hayaan.

“Goobo badan oo ku yaal magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ayaan isha hadda ku heynaa, waxaana u sheegaynaa dowlada Imaaraatiga inay isaga baxdo dagaalka Yemen, hadii kale ha ogaadaan Daaraha Dhaadheer ee dhalada ka sameysan ma xamili karaan weerar hal Drone ah…” ayuu yidhi afhayeenka kooxda Xuuthiyiinta oo sheegay in diyaaradahooda droneka ay goobo fog wax ka duqeyn karaan.