Muwaadin U Dhashay Waddanka Nigeria Oo Ku Dhintay Xabsi Ku Yaalla Dalka Ingiriiska

(SLT-London)-Muwaadin u dhashay dalka Nigeria ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla dalka UK oo afar toddobaad uu ku xanuunsanayay, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha gudaha UK.

Oscar Okwurime ayaa ku geeriyooday todobaadkii la soo dhaafay xabsiga Harmondsworth halkaasi oo maxbuus kale uu kula Xidhnaa.

Qoyska Okwurime,oo 34 jir ah ayaa tilmaamay in wiilkooda uu u sheegay booliska in uu xanuunsanayo, balse ay ka biyo diideen inay daweeyaan.

Waxaan u sheegay in uu ka dalbado in dibadda ay saaraan, balse wey ka diideen sidaasi waxaa majalada Independent ninka geeriyooday walaalkii oo lagu magacaabo Alex.

Dhanka kale mr Alex ayaa xaqiijiyay in walaalkii uu caafimaad ahaan wanaagsanaa ka hor inta ayna xabsiga dhigin ciidanka Amniga UK.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo sannadihii la soo dhaafay dowladda UK lagu dhaleeceynayay dayacaada dadka muhaajiriinta ah ee dalalkooda uga hayaamay falalka Amni Darrada.