Badhasaabka Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal U Dhexeeya Laba Beelood Oo Markale Ka Dhacay Deegaanka Ceel-Afweyn

(SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa Maanta ka hadlay Dagaal u dhexeeya laba beelood oo Shalay ka dhacay deegaanka Masle oo hoos taga degmada Ceel Af-weyn.

Dagaalkan oo sababay dhimashada shan Ruux iyo dhaawaca 9 kale, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ka soo saaray baaq nabadeed, isagoo dhanka kalena digniin u diray Cid kasta oo ka mid ah labada Beelood oo Tallaabo dambe qaadda, warkaasi oo Faahfaahsan halkan Hoose ka Daawo