Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu Oo Wacad Ku Maray In Uu Dooxada Urdun Ku Dari Doono Israa’iil

focus

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu Oo Wacad Ku Maray In Uu Dooxada Urdun Ku Dari Doono Israa’iil

(SLT-Israaiil)-Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in uu dalkiisa ku dari doono qayb ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, haddii uu ku soo laabto xafiiska toddobaadka soo socda.

Wuxuu sheegay “in uu madaxbannaani u dalbi doono Dooxada Urdun iyo waqooyiga badda Baxrul Mayt” siyaasaddaas ayayna u badan tahay in ay taageersan yihiin xisbiyada ay siyaasaddoodu garabka midig tahay, kuwaas oo hadday garab siiyaan u sahli kara in uu dhiso dawlad wadaag ah.

Saeb Erekat oo ah dublamaasi reer Falstiini ah ayaa sheegay in tallaabada dhulkaas lagu qaadanayo ay “aasi karto fursaddii nabadda”.

Israa’iil ayaa haysatay Daanta Galbeed tan iyo sannadkii 1967, balse waxay ka gaabsatay in ay ku darsato.

Netanyahu oo hoggaamiya xisbiga Likud ee siyaasaddiisu garabka midig tahay ayaa u ol’olaysanaya doorashada guud ee dhacaysa Salaasada soo socota.

Ra’yi aruurinta la sameeyay ayaa muujinaysa inay is khilaafsan yihiin xisbiga siyaasaddiisu ay dhexdhexaadka tahay Blue and White, waxaana laga yaabaa in ay la daalaa dhacaan sidii ay u samayn lahaayeen dawlad wadaag ah.

Falastiin ayaa sheegata in Daanta Galbeed oo dhan ay ka mid noqon doonto dawladda madaxa bannaan ee Falastiiniyiintu ay mustaqbalka yeelan doonaan.

Netanyahu ayaa markii hore ku adkaysan jiray in Israa’iil ay waligeed joogi doonto dooxada Jordan arrimo ammaan awgood.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top