Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Ay Leeyihiin Millatariga Israa’iil Oo Lagu Soo Riday Magaalada Gaza

focus

Diyaarad Ay Leeyihiin Millatariga Israa’iil Oo Lagu Soo Riday Magaalada Gaza

(SLT-Gaza)-Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ku soo riday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Arrintaan ayaa timid maalin kadib markii Israa’iil ay duqeyn ka bilowday agagaarka deegaanada ku teedsan xeebta Gaza.

Warbaahinta Falastiin ayaa dhanka kale tabisay in ururka Xamaas ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca drone-ka oo mareysay bariga magaalada Rafah oo dhanka koonfureed kaga beegan Gaza.

Dhanka kale millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaanada la xidhiidha diyaarada shalay galinkii danbe laga soo Riday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top