Zimbabwe Oo 3-1 Kaga Adkaatay Soomaaliya

(SLT- Zimbabwe)-Xulka kubadda cagta Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, ciyaar galabta ka dhacday Harare National Sports Stadium ee dalka Zimbabwe.

Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee ciyaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed.

Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay ciyaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay usoo gudubto waxayna u eekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaado daqiiqadaha yar ee cayaarta ka hadhay.

Hase yeeshee Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee ciyaarta, kuna adkaatay 3-1.

Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maadaama Soomaaliya ay lugtii koowaad kusoo adkaatay 1-0.