Xukuumadda Somaliland Ku Hambalyeysay Dawladda Kenya Kursiga Qaramada Midoobay Ee Ay Kaga Guulaysatay Jabuuti

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa hanbalyeysay dawladda Kenya oo ku guulaysatay taageerada midowga Afrika oo ah in Kenya xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada midoobay.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa yidhi.

“Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council”.

Kenya ayaa ka guulaysatay waddanka Jabuuti oo ay la tartamaysay.

Dawladda ayaa Jabuuti ayaa iyada sheegtay in aanay wali ka rajo dhigin inay ku guulaysto kursigaasi.