Faragelintii Labaad Ee Beesha Caalamku Somaliland ku Samayso

Bishii Ogost ee sannadkii 2009-kii ayuu bilaabay khilaafkii doorashadu inay dhacdo. Wakhtigani wuxuu ahaa dhammaadkii muddo kordhintii xukuumaddii Daahir Riyaale. Khilaakani wuxuu dhashay markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay doorashu Madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayn. Wakhtigii hore loogu muddeeyey inay dhacdo doorashadu waxa ay ahayd 27-ka Sebtember 2009-kii. Doodda murankaasi oo dheerayd awgeed yaanan idinku daaline waxa jiray ergooyin badan oo kala duwanaa oo qaarkood is-xilqaameen si ay xaalada u dejyaan, balse dhammaan dedaaladaasi way dhicisoobeen, markii ay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen.

Beesha Caalamka Yaa U Yeedhay?

Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa kii ku dhawaaqay inay beesha caalamku soo kala dhexgasho iyaga iyo xukuumada Somaliland. Waana baaqii keenay faragelintii ugu horaysay ee shisheeye Somaliland ku sameeyo. Waa Sunne khaldan oo xisbiga KULMIY jideeyey, balse aanay ka baydhin xisbiga WADDANI oo dhinacooda kaga ka daba maray. Iyadoo hadalkaasi laga shidaal qaadanayo ayey markiiba ka jawaabtay xukuumada Itoobiya oo iyada werwer gaar ahi ka haystay Somaliland oo ku xidhan dhinaca amaankeeda xudduuda ay Itoobiya la wadaagto Somaliland oo muddo dheer nabad ahaa. Xukuumadda Itoobiya waxay soo dirtay wefti iyo wefti kale oo ka socda midowga yurub.

Bulshadii isu-xilqaantay Ergada

Muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100 xubnood ayaa isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa shirar wadatashi ah u qabtay ururada Saxaafadda oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsanaa wargayska SAXANSAXO, Yuusuf Cabdi Gaboobe (Haatuf), Xasan Siciid (Jamhuuriya). Dedaalkii ay ku jireen xubnahan is-xilqaamay waxa xagaal daaciyey xukumadii Riyaale iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, waxa ay markii dambe qaateen lixdii qodob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay. Waxa ayna qaateen go’aankii ay soo jeediyeen shisheeyuhu. Iyadoo arrintaasi halkaasi taagan tahay ayuu C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) soo bandhigay maqaal kooban, balse nuxur ahaan macno weyn xambaarsan. Maqaalkan wuxuu ku soo qoray wargayska Jamhuuriya 24-kii Sebtember 2009-kii. Kaasoo ciwaan looga dhigay” waxaan ka tacsidaynayaa inta u diir naxaysa iyo muwaadiniintaba Diimuqraadiyadda Galbatay.”Dhinaca kale waxaan mar kale ka tacsiyadaynayaa diidmadii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed ee dalku sida cad u diideen ergooyinkii tirada badnaa ee muwaadiniintii iyo waxgaradkii ummadda ahaa. maqaalkani wuxuu ugu dambayntii cannaan dusha kaga tuuray siday xisbiyadu uga door bideen ergaddii dalka kuwa shisheeye, oo ay qaateen 6-dii qodob ee waraaqdda ku xardhanaa.

Ergadii Dawladda Itoobiya ee Dhexdhexaadinta

Markii uu khilaafkii u dhexeeyey xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaardku meel sare marayo ayuu dalka yimid wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirul dawladihii arrimaha dibadda ee la odhan jiray Takadhe Alemo. Weftigii Itoobiya wuxuu kullano kala duwan la yeeshay xisbiyada Somaliland iyo Baarlamaanka. Markii ay joogeen muddo 7 cisho ah ee ay u kala dab-qaadayeen labadii dhinac ayey dib ugu laabteen dalkoodii iyagoon wax hadal siinin saxaafadda Somaliland. Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid habkii dhexdhexaadinta ee ay wadeen dawlada Itoobiya. Waxa ay sheegeen inuu weftiga Itoobiya soo jeediyey laba arrimood oo kala ahaa:

In doorashada lagu galo diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo SERVERKA laga sii shaqeeyo
In mudadaasina ku sime ahaan xilka M/weynenimo u sii hayo Riyaale.
Xisbiyada mucaaradka ayaa labadaasi qodob u arkay inay taageerayaan xukuumadda Riyaale, markiibana way ku gacansaydheen. Dhinaca xisbiyada mucaaradka ayaa u soo jeediyey weftiga Itoobiya in marka la gaadho 27-ka Sebtember 2009-ka dalka loo dhiso dawlad dhexdhexaad ah oo doorasho dalka ka qabata, oo aanay ku jirin 6-da xubnood ee musharaxiinta u ah 3-da xisbi.

6-dii Qodob ee Beesha Caalamku Soo Saartay

Markii ay xukuumadii Riyaale iyo xisbiyaddii Mucaaradku diideen ergadii muwaadiniinta ahayd ee u guntaday xal u raadinta khilaafka ka dhex-aloosnaa xukuumada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayey mar keliya aqbaleen 6 qodob oo shisheeye soo saaray, waa ta keentay inay noqoto markii ugu horaysay ee shisheeye wax inoo yeedhiyo sida ka taagan Soomaaliya 24 sannadood ee aynu soo dhaafnay.

Lixdii qodob waxay kala ahaayeen:

In doorashooyinka lagu galo diiwaangelin
In SERVER-ka la saxo oo khubaro caalamiya loo xil saaro, oo ay khuburadaasi caddeeyaan mudada ay hawshaasi laga sugayey ku diyaariyaan.
In mudadaasi SERVER-ka ku fulin karo hawshaasi kala saarista khaladaadka codadka ku jiray inay caddaato
In tallaabooyinka farsamo ee ay khubaradaasi ku sargooyaan qabsoomidda doorashada ay qaataan amma ogolaadaan xisbiyada Somaliland
In mudadaasi loo kordhiyo xukuumadii Riyaale ee wakhtigeed ku dhammaanayey 27-ka Sebtember 2009-ka, da dib 3-da xisbi heshiis wada shaqayn yeeshaan xaalada doorashooyinka
In guddiga doorashooyinka la bedelo, iyo inay beesha caalamku taageeri doonto heshiiska 3-da xisbi hirgeliyaan.
Xaaladda Maanta Taagan.

Heshiiskan saddexda xisbi ee uu isu soo dhaweeyey Ergayga Midowga Yurub wuxuu mid yahay faragelintii labaad ee uu shisheeye gacmaha la soo galo Soomaalilaan, wixii ka dambeeyey la soo noqoshadii dawladnnimada. Baaqa ah beesha caalamka ha soo soo dhexgasho waxa hore u jideeyey xisbiga Kulmiye, waxa se haatan sunnahaasi raacay oo ku baaqay inay beesha caalamka soo dhexgasho iyaga iyo dawlada Soomaalilaan xisbiga Waddani.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com