Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Si Ay Wax Uga Weydiiyaan Warbixintii Xasaasiga Ahayd Ee Uu Daabacay Wargeyska New York Times

(SLT-Muqdisho)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay u yeedheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad oo ay sheegeen inay doonayaan su’aalo ay weydiiyaan.

Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad speaks during an interview with Reuters in Mogadishu, Somalia April 20, 2018 REUTERS/Feisal Omar

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen inay doonayaan in Wasiirka Arrimaha Dibadda uu hortooda yimaado, si ay wax kaga weydiiyaan warbixintii uu daabacay Wargeyska The New York Times, ee la xidhiidha arrinta Dowladda Qatar.

Warbixinta New York Times ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Qatar ay ku lug leedahay qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso, iyadoo uu ujeedku yahay sidii Emirate-ka looga saari lahaa Dekedda Boosaaso.

Wasiir Cawad oo arrintaasi ka hadlay ayaa mar sii horeysay sheegay in warka lagu daabacay Wargeyskaasi uu yahay mid lagaga been abuuranayo Dowladda Qatar.

Hadaba Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa waxay sheegeen in aanu ku qancin jawaabaha uu siiyay, sidaasi darteedna ay ugu yeedhayaan inuu horyimaado Golaha Shacabka.

Wasiir Cawad ayaa waxaa lagu haystaa in uu shaqaaleysiiyay 12 qof oo ay isku ehel yihiin, in uu saxiixay heshiisyo aan Baarlamaanka la soo hormarinin iyo arrinta ku aadan Dowladda Qatar.