Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Diiday Xubno Soomaaliya U Magacowday Wada-hadallada Muqdisho Iyo Hargeysa

focus

Somaliland Oo Diiday Xubno Soomaaliya U Magacowday Wada-hadallada Muqdisho Iyo Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Gef siyaasadeed ku tilmaantay Guddi ka kooban lix xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo Madaxweynaha Soomaaliya u Magacaabay Wada-hadallada Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay inaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya dhacaynin illaa Soomaaliya garwaaqsato in Midnimadii Soomaaliya burburtay 1991-kii.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:

In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.
Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina wuxuu dhigayaa inaan cadowga loo caban ee layska celiyo.

Qodobkiisa labaadna wuxuu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.
Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxaana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.

Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.

Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top