Connect with us

somalilandtoday.com

4 Qof Oo Surka Lagaga Gooyey Dalka Masar

focus

4 Qof Oo Surka Lagaga Gooyey Dalka Masar

(SLT-Masar)-Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyo gacan-saar la leh Kooxda Daacish ay 4 qof surka kaga gooyeen Waqooyiga Gacan-biyoodka Siinaay.

Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay shalay weerareen koox dad ah oo ku sugnaa Degmadda Yar ee Bir Al-abdi, kadibna ay qoorta ka gooyeen 4 qof, halka qof 5-aad ay hore u afduubteen.

Wararka waxay sheegeen in Dhibanayaasha la dilay iyo midka la qafaashay ay Maleeshiyadda ku tuhmeen inay la shaqeeyaan Ciiddanka Ammaanka ee dowladda Masar.

Maleeshiyadda taabacsan Kooxda Daacish waxay ka hawl-galaan inta badan Deegaanadda ku teedsan Lama-degaanka Gacan-biyoodka Siinaay, waxayna beegsadaan Ciiddanka Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top