Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Sacuudiga Oo Burburisay Diyaarado Lagu Weeraray Dalkeeda

focus

Dawladda Sacuudiga Oo Burburisay Diyaarado Lagu Weeraray Dalkeeda

(SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga ayaa burburisay laba diyaarad oo nooca loo yaqaan Drones-ka oo kooxda xuutiyiinta Yemen ee taageerada milLatari ka helaya Iiraan ay ku weerareen Dalka Sacuudiga.

Diyaarada koowaad ayaa bartilmaameed-keedu ahaa gobolka Jizan halka mida labaad ay ku wajahneyd deegaano ku yaalla gobolka Casiir.

Turki Al-Maaliki oo ah afhayeenka isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SPA in diyaaradahan aysan wax qasaaro ah Geysan.

Tv-ga ku hadla afkaa xuutiyiinta ee Al-Masiirah ayaa sabtidii shalay xilli danbe tabiyay in diyaaradahan ay ku weerareen garoomada diyaaradaha ee ku yaalla magaalooyinka Apha iyo Jizaan.

Tani ayaa imaaneysa iyadoo kooxda Xutiyiinta ay labadii bilood ee la soo dhaafay ay kordhiyeen weerarada diyaaradaha oo ay ku qaadayaan dalka Sacuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top