Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Ogolaaday Dalabkii Xisbiga WADDANI Ee Ahaa In Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Ay Xisbiyadu Si Is Le’eg U Soo Magacaabaan

focus

Madaxweyne Biixi Oo Ogolaaday Dalabkii Xisbiga WADDANI Ee Ahaa In Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Ay Xisbiyadu Si Is Le’eg U Soo Magacaabaan

(SLT-Hargeysa)-Gelinkii hore ee Sabtidii shalay waxaa qasriga madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoomay kulan ay isugu yimaaddeen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo ay ku jiraan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Kulankan oo ka dhashay hadalkii uu madaxweyne Biixi ka jeediyey xuskii 26 ka Juun, oo uu kaga dhawaaqay in uu maalinta sabtida ee 29 ka bisha kulan la qaadan doono madaxda xisbiyada, kuna ballanqaaday in la soo gebagebayn doono khilaafka u dhexeeya.

Laakiin xogaha uu wargeyska GEESKA AFRIKA helayo ayaa sheegaya in kulanku aanu noqon sidii laga filayey mid isfaham intii hore ka fiican ka dhex abuura xisbiyada siyaasadda iyo madaxweynaha. Taas beddelkeedana uu fadhigii hore ee kulanku ku dhammaaday midho la’aan.

Wararku waa ay shegaayaan in bilowgii kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi martida ku wargeliyey in sababta uu kulankan ugu baaqay ay ka dhalatay faham uu ka qaatay khudbaddii uu guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde ka jeediyey madasha oo muujinayey dabacsanaan iyo in la is fahmi karo.

Madaxweyne Biixi waxa uu masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka dalbaday in ay ka soo tanaasulaan go’aanka ah in imika la beddelo komishanka lana kordhiyo, isaguna uu ogolaanayo dalabkooda ah in xubnaha komishanka ay xisbiyadu si is le’eg u soo magacaabaan. Isaga oo sheegay in aan waqtigan arrintaas qiil sharci ah loo heli Karin, sidaas awgeed uu ku talinayo in doorashada sidan lagu galo, doorashada kaddibna la diyaariyo habkii sharci ahaan ay ku suurtageli lahayd in xisbiyadu ay xubnaha komishanka doorashooyinka si siman u qaybsadaan.

Soojeedinta madaxweynaha ayaa la sheegay in ay bilowgii guux iyo xiisad aan kulayl ka dhex abuurtay kulanka, laakiin guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa in uu dadaal adag u galay in aanu kulanku burburin.

Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in isfaham iyo heshiis arrintan laga gaadho, isaga oo dhinacyada ku bararujiyey in beesha caalamku ay ka war sugayso heshiis ay gaadhaan, iyo in dareenka beesha caalamku qabtaa uu yahay in hoos loo eego guud tabashada xisbiyada mucaaradka ee la xidhiidha doorashada.

Wararka ka agdhowaa kulanka ee uu Geeska Afrika helayo qaar ka mid ah ayaa sheegaya in Guddoomiye Faysal uu madaxweynaha ka dalbaday in uu markan isagu tanaasul la yimaaddo, oo uu ogolaado in Komishanka hadda labada xubnood lagu daro, isaga oo ugu soo hoga tusaaleeyey tanaasulaadkii ay madaxweyneyaashii ka horreeyey sameeyeen xilliyadan oo kale.

Xisbiga WADDANI iyo madaxweyne Biixi ayaa uu warku sheegayaa in ay labadooduba ku adkaysteen mawqifyadoodii hore, iyada oo uu mid kastaa kan kale ka dalbanayo in uu tanaasulo. Taasina ay keentay in kulankani uu ku dhammaado natiijo la’aan. Inkasta oo ay dhinacyadu isku fahmeen in aan kulanka loo aqoonsan in uu burburay, balse la sii wado wadahadallada iyo doodda. Waxaana kulan labaad loo ballamay toddobada fiidnnimo ee Caawa. Iyo in ergada tiradeeda lagu soo koobo laba xubnood oo xisbi kasta ah iyo madaxweynaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa kulanka ku wehelinayey, ku xigeenka madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga, guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, xoghayaha guud ee xisbiga mudane Xasan Siciid, maareeyaha hay’adda Qaranka ee qaxoontiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Xinif, iyo mudane Cabdicasiis Samaale oo ka tirsan hoggaanka xisbiga.

Xisbiga UCID waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe kulankan ku wehelinayey, murashax ku xigeenkii xisbiga Mudane Axmed Cabdi Muuse(Abyan), xoghayaha guud ee xisbiga Mudane Eng. Axmed Xirsi Ducaale iyo ku-xigeenka xoghayaha guud mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax).

Masuuliyiinta uu hoggaaminayey guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI mudane Cabdiqaadir Jirde ee kulankan ka qaybgalay, waxaa iyagana ka mid ahaa hoggaamiyaha xisbiga mudane Xirsi, xoghayaha guud mudane Khadar, xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, Mudane Xasan Xuseen Codyare iyo masuuliyiin kale.
Geeska Afrika

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top