Dowladda Sacuudiga Oo Soo Riday Diyaarado Drones Ah Oo Ay Leeyihiin Kooxda Xuuthiyiinta Yemen

(SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga ayaa maanta oo Salaasa ah shaacisay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drone ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen doonayeen inay ku duqeeyaan magaalada Khamis Mushait ee koonfurta wadanka Sacuudiga.

Xuuthiyiinta ayaa iyagu saacado kahor warbaahintooda ku faafiyey inay duqeyn la beegsadeen Saldhiga diyaaradaha militariga Sacuudiga ee King Khalid oo ku yaal nawaaxiga magaalada Khamis Mushait.

Xulafada Sacuudiga iyo Xuuthiyiinta ayaa labaduba dar dar geliyey duqeyntooda asbuucyadii lasoo dhaafay, diyaaradaha Sacuudiga ayaa duqeymo xoogan ka geystay maalmihii u danbeeyey gobalka Hajjah ee waqooyiga Yemen oo ay gacanta ku hayaan xoogaga shiicada dalka Yemen.