Connect with us

somalilandtoday.com

“Xukuumadda Muuse Biixi Waa Xukuumaddii Ugu Cabanayd Ee Carriga Somaliland Soo Marta”Muniir Axmed Cigaal

focus

“Xukuumadda Muuse Biixi Waa Xukuumaddii Ugu Cabanayd Ee Carriga Somaliland Soo Marta”Muniir Axmed Cigaal

“Inta go’aan ee Madaxweynuhu ka noqday kow iyo laba dheh Huuno “…

Sida dhaqanka Dadka Rer Somaliland caanka ku yahay, ka hor nidaamka Xisbiyada ee hadda jira iyo kadiba waxay caan ku ahayeen wax diidista iyo wax tageerida aan gabashada iyo xanshaashaqa lahayn “Wax Diido Markay Jirtaa Wax Doonkuna Meel Maryahay “ Hadraawi. Dhammaan Xukuumadihii Somaliland soo maray Mucaaridad way la kulmi jireen, qaarba dagaalo gudaha ah la kulmay, siday aniga iyo dad badan oo kale qabaan Xukuumaddii ugu cabanayd waa midda Muuse Biixi Cabdi hoggaamiyo.

Waxay ilaa hadda sharxi kari la yihiin, ma waxa idin wanaagsan in ummaddu qabyaalad u qaybsantahay mise inay midaysantahay, Wasiiro saamayn ay taas ku ogaadan iyo mid ay kaga hortagaan xitaa waxay diidan yihin lehna Madaxweynuhu ma haysto. Madaxweynahu intuu go’aan qaato oo ku adkaysto go’aankaas oo marka hor khaldan ayuu hadana ka noqdaa. Hadaan midh iyo laba idinka sheego inta dhacdo ee uu sida jar iska xoornimada ah u galay hadana Ergada u dirsaday kow iyo laba dheh.

  1. Ganacsade Axmed Cismaan Geele soo qabta ayuu yidhi Tuugna wuu ku sheegay, markay cirka qabatay ayuu ergo baryo ah Madaxweyne Muuse Biixi dirsaday sidii ayuu isagoo jilbaha haysta heshiis kula galay.

2.. Weerarkii Tukaraq ee Puntland in badan ayay Beesha Caalamku ku canaanatay inuu isagu gardaro iyo weerar sameeyay oo dulaan qaaday isagoo aan kursiga bilo ku fadhiyin, arrintaasi wajigabax go’doon ah ayay Somaliland iyo adduunka kala dhex dhigtay dadku inta badan sidaa wax uma oga, halkaas markay maraysay ayuu Ergo Saladiin ah Madaxweynuhu diray kuwaas oo rer Somaliland ah oo uu yidhi Puntland nabad ka doona maxabiistana waanu is waydaar sanaynaa haba kala badnaadane, markay hawshii Saladiintu soo dhammeeyen go’aan looma fadhi aha ayuu hadana qaatay oo ah inuu diido is waydaarsigii Maxabiista Saladiintii uu dirayna albaabka ka soo xidho.

Sannad kabacdi Ramadaan To Ramadaan Kadib ayuu ergo kale diray, ogolaaday siidayntii maxabiista 18 May na kaga khudbadeyay. Waa go’aano is wada burinaaya..

  1. Doorashadii oo aanu saamigii laga sugaayay Madaxweynuhu go’aan ka gaadhin, oo xeerarkii doorashada aanu diyaarin ayuu go’aamiyay inay laba xisbi doorasho guud Dalka ka galaan taas oo kaftan ku ah Somaliland waa go’aan kale oo waali ah sinaba aan u fulayn ilaa hadda waaka taagan.
  2. Beesha Sanaag Bari oo waligoodba ahayd beel nabadeed, innagoo og in Wasiirada Puntland degaankas soo galaan kana baxaan, sidaana ay ahaan jirtay, siyaasad dhammaystiran oo degaankaas lagu soo xero galinaayana aanu Madaxweynuhu dajin balse shacabka ay ahayd in waxqabad lagu kasbado, ayuu yidhi Madaxweynaheenu Dagaal ku qaada degaanka wixii Ka Dhacay ayaa ka dhacay waakaas degaankii is wada raacay, waa go’aan kale oo khaldan aan loo tallo badsan hadana ergo uunba ka furan sidii cadada ahayd .

5.. Hadda sida uu Ex Wasiir Maxamed Aadan Qabyo tire Sheegay ergo ayay ku wadaan Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed .

Maxaa Boqorka laga ergaynaya hadduu yidhi “waar doorasho ma dhawa, shirkana anigu ma dhigin gogoshiisa shir hore u socday ayuu aha oo dareenkiisa bulshadu wada waday, sabab diidaysaana ma jirto iyadoo Madaxweynuhu hore u sameeyay inuu isba laab xaadho mid kamid ah ardaayada shiraaya”. Wax aan cabanaan ahayn oo ku jirta halkaas iyana garan maayo… Si kasta oo ay tahay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waa middii ugu cabanayd ee carriga soo marta uguna go’aanka jilicsanayd..

Tusan …

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top