Maxaad Ka Taqaana Wadaadka Argagixisada Ah Ee Diinta Buddhist-Ka: Warbixin

(SLT-Burma)Wuxuu masaajiddada ku tilmaamay inay yihiin “saldhigyada cadawga” isla markaasna Muslimiinta ugu yeeray inay yihiin “eeyo waalan”. wuxuu ku eedeeyay Muslimiinta inay xatooyo iyo kufsi u geystaan haweenka u dhashay dalka Burma.

Muddo sannado ah, xukuumadda Myanmar waxay difaaceysay wadaadka muranka badan dhaliyay ee heysta diinta Buddhist, Ashin Wirathu waxaa uu jeediyay hadallo kala qeybsanaan abuuray.

Balse markii uu weeraray hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, waxaa lagu riday xukun xadhiga ah, waxaana lagu eedeeyay geysashada falal daandaansi oo kasoo hoerjeedo sharciga dalkaas.

Haddaba, waa kumaa wadaadkan qaska dhaliyay?

Sannado hore

Wadaadkan lagu magacaabo Ashin Wirathu ayaa soo ifbaxay sannadkii 2001-dii markii uu billaabay olole ka dhanka ganacsatada Muslimiinta ee dalkaas.

Xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu xukumay 25 sanno oo xarig ah, sannadkii 2003-dii. Waxaa lasoo daayay sannadkii 2010-kii markii cafis loo fidiyay.

Balse waxay u muuqataa in xadhigiisa kaddib uu iska daayay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta.

Khudbadaha uu jeediyo wuxuu kusoo qaadan jiray sheekooyin ku saabsan diinta Buddhist isagoo “shucuur waddaniyad ah muujinaya”.

Si deggan oo hufan ayuu hadli jiray markuu ka qeybgalayo shirarka jaraa’id, laakiin wuxuu u hadli jiray si carro leh marka uu ka qeygalayo munaasabadaha ka dhaca goobaha ay dadka isugu yimaadaan, haddalladiisa waxay abuurayeen kala qeybsanaan iyo Islaam naceyb.
Waxuu gadaal ka riixayay meel marinta sharci ka mamnuucaya Muslimiinta Myanmar in ay guursadaan haweenka heysta diinta Buddhist.

“Ma yareysan kartid Maska si kasta ha u yaraado ee, Muslimiinta waxay la mid yihiin Maskaas,” ayuu yidhi Ashin Wirathu.

Waxaa laga mamnuucay baraha bulshada

Wuxuu baraha bulshada ka bilaabay inuu ku faafiyo hadal ah in Islaamka uu la wareegay dalkaasi ayna tirada bulshada Muslimiinta ay sare u kacday

Bishii January ee sanndkii 2018-kii, Facebook ayaa xayiraad kusoo roggay markii uu qoraallo kala qeybsanaan dhalinaya uu jeediyay oo ka dhan ahaa Muslimiinta Rohingya ee laga tirobadan yahay.

Xilliggaasi wuxuu ka dhawaajiyay inuu raadsanayo goob kale oo aan Facebook aheyn si uu go’aankiisa uga sii wato.

“Markii Facebook uu iga xidhay, waxaan ku tiirsnaan Youtube-ka balse dad badan kuma xirna, marka waxaan adeegsan Twitter si aan u sii wado howsha qarannimo ama qarameynta,” ayuu yidhi wadaadka.

Waxaa uu muuqaalladiisa ku faafiyaa baraha bulshada ee laga leeyahay dalka Ruushka iyo meelo kale.

Bishii April ee sannadkan waxaa laga mamnuucay khudbadihii uu ka jeedin jiray dalka deriska ah ee Thailand oo ay dadweynihiisu heystaan diinta Buddhist.

Bishii July ee sannadkii 2013-kii, wargeys lagu magacaabo Time magazine ayaa soo daabacay sawirka ninkan oo ku uu ku tilmaamay “Wajigga argagixisada ee Buddhist”.

“Si khaldan ayaa la ii fahmay aniga, waa la i weeraray, waxaan filayaa in koox gaar ah ay warbaahinta u adeegsadaan inay i bahdilaan, waxaa xaqiiq ah in warbaahinta Online-ka ay maamulaan Muslimiin,” ayuu BBC u sheegay sannadkii 2013-kii.

Waxaa lagu tilmaamay “Bin Ladenkii Buddhista” markii la baahiyay barnaamijkaas sannadkii 2015-kii, waana magac ay u bixiyeen warbaahinta reer galbeedka balse wuxuu diiday in magacaas lagu tilmaamo isaga.

Dagaal uu ku qaaday Qaramada Midoobey

Ninka 51 jirk ah waxaa uu jeediyay hadallo badan oo dhibaato horseeday.

Markii Qaramada Midoobey ay ergey gaar ah u dirtay Myanmar sannadkii 2015-kii, si ay usoo baaraan tacaddiyadda ka dhanka ah Muslimiinta laga tirobadan yahay, waxaa uu ergeyga ku tilmaamay “dawaco iyo qof jirkeeda ka ganacsato”.

Warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay sannadkii lasoo dhaafay waxay soo jeedisay in baaritaano lagu sameeyo saraakiisha ugu sarreysa militariga Myanmar oo ku aadan xasuuqa ka dhacay gobolka Rakhine ee ka dhanka muslimiinta Rohingya kaddib markii maxkamadda dambiyada caalamiga ah ay furtay baaritaanno.

Dowladda Myanmar waxay beenisay warbixinta Qaramada Midoobeey.

“Maalinta ICC ay halkan timaaddo… waa maalinta uu Wirathu qaadan lahaa qori,” ayuu taageerayaashiia u sheegay waddaadkan, bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay.

Qalalaasaha saameynta ku yeeshay Muslimiinta Rohingya

Taageeraayiisha waxa lagu eedeeyay inay sameeyeen kacdoon ka dhan ah Muslimiinta ku nool gobolka Rakhine taas oo horseeday inay gobolka ka qaxaan dad gaarayo 700,000 oo u cararay dhinaca Bangladesh.

Wareysi uu siiyay wargeyska Guardian, 2017-kii, waxaa uu ku yidhi . “Aung San Suu Kyi waxay dooneysay inay caawiso dadka shisheeyaha ah ee Bengali balse waan ka hor istaagay.”

Dadka ku nool Myanmar waxay ereyga Bengali ugu yeeraan Muslimiinta Rohingya oo ay ugala jeedaan dad shisheeye.

Waxaa uu ku eedeeyay xisbiga ka arrimiyo dalkaasi inuu wado qorshe qarsoodi ah oo ay ku taageerayaan muslimiinta.

Fikradda diinta Buddhism

Myanmar waxaa saameyn xoog leh ku leh diinta Buddhist, boqolkiiba 90 dadka dalkaasi waxay heystaan diintaas.

Wadaadada diinta Buddhista ee ku sugan dalka Myanmar waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 500,000, waana dal taarikh dheer ay ku leeyihiin hoggaamiyeyaasha militariga ee kalitaliska ah.

Ururrada uu ka tirsan yahay Wirathu

Wirathu waxaa horey loola xiriirin jiray urur lagu magacaabo 969, tageerayaasha ururkan waxay lambaradan u kala yaqanaan diinta Buddhista, waxbarashada diintan iyo astaamaha wadaadada ka tirsan Buddhist.

Dhab ahaantii, ururka 969 waxaa uu wadaa olole ka dhan ah Muslimiinta.

Sannadkii 2013-kii, madaxweynaha Myanmar Thein Sein ayaa tageeray ururkan, waxaa uu ku tilmaamay Wirathu inuu yahay wiilka diinta Buddhist.

Wirathu ayaa sidoo kale madax ka ah urur la yiraahdo “Ma Ba Tha” oo la aasaasay sannadkii 2014-kii, balse waxaa la mamnucay sannadkii 2017-kii.

Wirathu waxaa uu xiriir dhaw la leeyahay urur ka dhisan dalka Sri Lanka oo lagu magacaabo Bodu Bala Sena ama BBS. waxaa hoggaamiya wadaad reer Sri Lanka ah oo haysta diinta Buddhista.

Ururka BBS ayaa ku caanbaxay ololaha rabshadaha wata ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Weerarka uu ku qaaday Suu Kyi

“Waxay u labisataa sida haweenka xayeeysiiya dharka ee marsada waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan. Waxay mareysaa goobahaa iyadoo si la yaab leh u socota, kabo qoobab dhaadheer leh xiran oo qaar dambkeeda u muujineysa dadka shisheeye,” ayuu yiri bishii April, xilli u la hadlayay tageerayaashiisa. Waxaa uu hadalkan ku waday hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

Hadal uu bishii May jeediyay, Wirathu wuxuu saraakaal ka tirsan dowladda ku eedeeyay inay la saxeetay nin shisheeye ah.

Suu Kyi waxaa guursaday nin u dhashay Ingiriiska, Michael Aris, kaas oo sannadkii 1999-kii u geeriyooday cudurka Kansarka, waxayna muddo ku jirta xabsi guri.