Connect with us

somalilandtoday.com

” Saaka Oo Kale, 29-1988, Dayaxii Cadceed Baa Kusoo Baxday ”. W/Q: Ahmed Nour Guruje

Articles

” Saaka Oo Kale, 29-1988, Dayaxii Cadceed Baa Kusoo Baxday ”. W/Q: Ahmed Nour Guruje

27-may-1988 , markii si lama filaana ciidamadii ururkii snm weerar cajiiba

ugu soo qaadeen Magaalada Burco oo ahayd Magaaladii labaad ee ugu waynayd Goboladii la odhan jirey Waqooyiga Soomaaliya , idaacadaha aduunka oo dhami waxay faalaynayeen dhacdadaas aduunka ka yaabisay waxay ku danbayn doonto .

28-may- waxaa iyana soo galay gudaha wadanka ciidan ka tirsan ururkii snm oo jidgooyo ka galay wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera gaar ahaan agagaaraka Magaaladda Dacar-budhuq .

Iyadoo xaaladdu halkaa marayso , waxa si kedisa ciidamadii snm ula wareegeen Sal-dhigii Milateri ee Cadaadley , arrintaasoo lama filaan ku noqotay Dawladii Maxamed Siyaad Barre .

Waa tuma Cadaadley ?

Magaaladda Cadaadley waxay ku taalaa Badhtamaha Magaalooyinka Hargaysa , Berbera iyo Burco , waxaanay masaafo isku midda u jirtaa sadexdaa magaalo iyo xuduudka Somaaliland iyo Ethopia .

Dhinaca kale , Cadaadley waxay ku taalaa badhtamaha Wadooyinka isku xidha Hargaysa iyo wadadii hore ee Burco , waxa kale oo ay dhacdaa kala sooca Buuraha Golis iyo dhula loo yaqaano Oogada oo ay midba dacal ku hayso .

Bogcadaa Istraajiga ah ee ay ku taalo awgeed , Dawladii Ingiriiska ayaa u dooratay in ay noqoto Saldhig Milateri ,waxaana calaamidiyay Badhasaabkii Ingiriiska ee loo yaqaanay Sir archer 1909 .

Ka dib dhalashadii dawladihii Soomaaliya , waxaa marar badan lasii kordhiyay Sal-dhigii Cadaadley , waxaanu sal-dhigaasi ahaa :-

– Sal-dhiga koowaad ee ay fadhiyaan ciidamadii Kamaandowsta Soomaalida ee loo yaqaanay Danab .

– Xarunta Kaydka hubka iyo Rasaasta ee waqooyi galbeed .

-Xudunta Difaaca Magaalooyinka Berbera,Hargaysa iyo Burco.

Sidaa awgeed , waxaa sal-dhigan degenaa Gaaska 12 aad oo ka koobnaa ugu yaraan 3 kun iyo Guutadda 86aad oo iyana ka kooban ugu yaraan kun nin , Wadartooda guudna waxay noqonaysay 4 kun qiyaas ahaan , Magac ahaana waxaa la iskku odhan jirey Ciidanka Dayaxa .

Ciidanka intan la eeg na waxaa loogu talagalay difaaca Magaalooyinkaa aynu soo sheegnay .

Hasa yeeshee Ciidan kooban oo ka tirsan ururkii snm oo aan wadanin haba yaraatee wax gaadiid dagaala ayaa gacanta ku dhigay ,wadartiisuna ahayd qiyaas ahaan 400 .

Arrintanina waxay noqotay mid mucjiso ah oo laggu wareeray, Taliyihii Ciidanka Q-26aad . Gen Moorgan markii Taliyihii Ciidankan Cadaadley haystay u sheegay in lagga qabsaday wuxuu ku yidhi , Mee Ciidankii Dayaxa , dabeeto wuxuu ugu jawaabay , Dayaxii Cadceed baa kusoo baxday , oo macnaheedu yahay , Cadaadley waa la qabsaday . intaa ka dib Gen Moorgan wuxuu ku yidhi ” Adna yaan ku arkin ” maalmo ka dib ayaanu istoogtay Taliyihii Ciidankiisa lagga qabsaday Cadaadley oo la odhan jirey Col Kaahiye Alhn .

Gen , Maxamed Ali Samatar oo dhacdadan ka faaloonayayna waxaa lagga hayaa ” Cadaadley waxa qabsaday waa yaab , 

Hadaba ninka sawirkan ka muuqdaa waa taliyihii Ciidankii snm ee qabsaday Cadaadey saaka oo kale 1988 , magaciisuna waxa weeyaan Col Xuseen Axmed Guuleed oo ku magac dheeraa ( Xuseen dheere) sidoo kale , wuxuu iyana sidan oo kale uga qayb galay Dagaaladii Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed kula wareegeen Magaalooyinka Godey iyo Jigjiga 1977 isagoo muddo ka badan 20 sanadood ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidankii loo yaqaanay Ciidankii Xooga dalka Soomaaliyeed , intaanu ku biirin Jabhadii snm 1986 kii .

Faataxada haloo maro .

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top