Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Amray In Cutubyo Ka Tirsan Millatariga Mareykanka Loo Daabulo Bariga Dhexe

focus

Madaxweyne Trump Oo Amray In Cutubyo Ka Tirsan Millatariga Mareykanka Loo Daabulo Bariga Dhexe

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in 1,500 ka tirsan Milatariga Mareykanka lagu kordhin doono ciidankooda ku sugan Bariga Dhexe.

Hadalkaan Trump ee Jimcaha shalay ayaa ku soo aaday xilli ay cirka ay sii galeyso xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan.

Xilli uu warbaahinta kula hadlayay aqalka cad ka hor inta uu u duulin dalka Japan ayaa waxuu tilmaamay in ciidanka la sii qorsheeyay mar hore si ay uga hortagaan suura galnimada falal ammi daro oo Mareykanka kaga imaan kara dalka Iiraan.

Waxaa rabnaa in aan heysanaa ka hortag, sidaasi darteed waxaan xoojin doonaa difaaceena Bariga Dhexe.

Xiligaan ma filayo in Iiraan ay dooneyso dagaal ay la gasho Mareykanka.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale Jimcaha maanta ku wargaliyay aqalka Congress-ka qorshaha loogu daabulayo cutubyo ka tirsan milatariga Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top