Hilib Geelu Waysada Ma Jabiyaa?

Doodda ku aaddan in laga waysaysanayo cunista hilibka geelu waa dood muddo soo taagnayd, 

se lagu kala xoog badan yahay. Ugu horrayn in la is waydiiyo su’aashan waxa keenay xadiiska Jaabir Bin Samra ee Muslin soo saaray ee nebiga la waydiiyey in laga waysaysto hilibka adhiga, deeto uu ku jawaabay haddaad doonto, haddana la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka lo’da, iyana uu sidii oo kale ku jawaabay, ugu dambayna la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka geela dabadeed uu sheegay in laga waysaysanayo. Waysadaa xadiiska lafteeda culimo badan ayaa ka soo saaray fahan ah; in laga luqluqanayo gacmahana la maydhayo oo aan loo jeedin waysadii caadiga ahayd. 

Arrinku haddii uu sidaa ku joogi lahaa iswaydiinba may timaaddeen ee waxa waajib noqon lahaa dhaqangelinta xadiiska nebiga NNKH. Se waxa iswaydiinta keenay ayaa ah in uu jiro xadiis kale oo xadiiskan ka dambeeyey sida laga dhadhansanayo saxaabiga xadiiska warinaya iyo fahanka badi saxaabada, taabiciinta iyo madaahibta fiqiga badidooda.

Xadiiska uu wariyey saxaabiga Jaabir Bin Cabdillaahi waxa uu si cad u sheegayaa in aan laga waysaysanayn hilib dab galay, waana xadiiska ay dhaqanqaliyeen saxaabadu, “Amarkii ugu dambeeyey Nebigu wuxu ahaa in aan laga waysaysan wax dab galay.” Xadiiskaa waxa soosaaray Abu Daa’uud iyo Nisaa’i, waana xadiis sugan. Xadiiskani in uu xadiiskaa hore ka dambeeyey oo uu nasakhayo waxa caddayn ugu filan in saxaabigani sidaa cad u odhanayo amarkii ugu dambeeyey nabigu waa in aan laga waysaysan, ileen haddaan amar hore jirin amarkan muu caddeeyeene.

Mar kale Jaabir wuxu ka sheekaynayaa dhacdo tan la jaal ah, “Waxa aannu ahayn wakhtigii nebiga kuwa aan helin cuntadan (cunto kolkaa ag taallay) oo kale inyar mooyaanee, marka aannu helno na maanu haysan afmaris aan ahayn baabacooyinkayaga, dhudhumahayaga iyo lugahayaga, ka dib waa aanu tukun jirnay annaga oo aan ka waysaysan.” Xadiiskan waxa soosaaray Bukhaari. Xadiiskani wuxu xoojinaya cuskasho ahaan xadiiskaa sheegaya in aan laga waysaysanayn wax dab galay.

Fahanka ay dhaqangaliyeen badi saxaabadu wuxu noqday in aan laga waysaysan hilibka geela, waxa ka mid ah saxaabada arrinkaa aaminsan Ibnu Mascuud, Ibnu Kacab, Dalxa, Abi Dardaa, Ibnu Cabbaas iyo saxaabo badan. Sida oo kale badi Taabiciintu waxa ay ku tagsan yihiin in aanu jabin waysada hilibka geelu.

Ibnu Abi Shayba musanafkiisa wuxu ku soo guuriyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas in uu yidhi, “Waysada waxa keena wixii calooshaada ka soo baxa ee ma keeno wixi calooshaada gala.” Sunanu Bayhaqi waxa ku yaal hadal kan u dhow in Cali Bin Abi Daalib laga hayo. 

Cabdarasaaq iyo Ibnu Jacd waxa ay musanafyadooda ku soo saareen in Yaxye Bin Wathaab uu waydiyey Cabdillaahi Ibnu Cumar in laga waysaysanayo hilibka geela, deeto uu ku jawaabay Cabdillaahi, “Waysada waxa keena wixii kaa soo baxa ee ma keenaan wixii calooshaada galaa. Wax kasta oo caloosha galaa waa wax wanaagsan, wax kasta oo ka soo baxaana waa wax xun.”

Nawawi Majmuciisa waxa uu ku soo guuriyaa in afartii khulafo ay aaminsanayeen in aan laga waysaysan hilibka geela. Nawawi waa ragga aaminsan in laga waysaysanayo haddana waxa uu aaminsanaa in khulafadu ka aragti duwanayeen. Ibnu Taymiya isagu wuxu ku duraa Nawawi in cuskashadani aanay sanad lahayn.

Hilibka geela in aan laga waysaysanayn waxa aaminsan madaahiibta Shaaficiyada, Maalikiyada iyo Xanafiyada. Qarnigan culimada waaweyn ee xagga fiqiga ku horreeya ee aan xataa qaarkood lagu tirin in ay mad’hab u janjeedhaan sida Sayd Saabiq, Qaradaawi iyo Dedow waxa ay saxnimadeeda sugaan in aan laga waysaysanayn hilibka geela. Xaafid Ibnu Xajar isagu wuxu ku tagsan yahay xadiiska in laga waysanayo sheegaya uu nasakhay xadiiska sheegaya wixii dab galay in aan laga waysaysanayn.

Mad’habta Xanaabilada oo ah ta ugu urursan xagga fidnaanta madaahiibta ayaa iyadu qabta in laga waysaysanayo hilibka geela. Waxa ay ku tagsan yihiin in xadiiska sheegaya in laga waysaysanayo hilibka geelu aanu nasakhayn xadiiska odhanay wax kasta oo dab galay laga waysaysan maayo, waxa ay ku doodayaan in xadiiskan dambe caam yahay kaa horena arrin gaar ah uu ka hadlayo. Sidaa waxa qaba badi culimada Xanaabilada horrayso iyo dambaysaba. Tiro yar oo Shaaficiyada ka mid ah oo Nawawi ka mid yahay ayaa Xanaabilada la aaminsan in laga waysaysanayo hilibka geela. 

Ibnu Mundir, Bayhaqi, Ibnu Xasmi, Ibnu Taymiya, Albaani iyo Ibnu Baas ayaa iyaguna in laga waysaysanayo aaminsan, laakiin xujada cad ee xadiiska dambe, fahanka badi saxaabada, taabiciinta, jumhuurta fuqahada madaahiibta iyo badi fahanka culimada casriga ahba waxa ay ku tagsan yihiin in aan laga waysaysanayn hilibka geela. 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 0397 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com