DAAWO: “Madaxweynuhu Haddii Uu Dastuurka Jabiyo Tallaabooyinka Laga Qaadayo Dastuurka Ayaa Tilmaamaya, Xadhiga Xildhibaanku Waa Sharci-darro…” Guddoomiye Cirro

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta warbaahinta la hadley waxaa uu beeniyey in uu Magaalada Nairobi kula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya, balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in aaney jirin cid u yeedhin kara safiirada uu la Kulmayo.

Dhinaca kale Dr Ciro ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhiga Xildhibaan Dhakool iyo guddoomiye Maxamed Sadiiq Dhamme, Halkan hoose ka DAAWO