Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Qabtay Markab Ay Leedahay Kuuriyada Waqooyi

focus

Maraykanka Oo Qabtay Markab Ay Leedahay Kuuriyada Waqooyi

(SLT-Washington)-Maraykanka ayaa sheegay in uu qabtay markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ku eedaysay in uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan.

Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in markabku uu waday dhuxul dhagax, taas oo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay.

Markabka ayaa markii u horraysay lagu qabtay Indonesia bishii Abriil ee sannadkii 2018.

Waa markii koobaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran, arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Kulan ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un iyo madaxweynaha Marayanka Donald Trump ayaa dhammaaday isagoon wax heshiis ah laga gaarin bishii Feebaraayo, iyadoo Maraykanku uu ku adkaystay in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka ah, Pyongyang waxay dalbatay in laga dabciyo cunaqabataynada saaran.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay labo hub hal toddodobaad gudahii, arrintaas oo si wayn loogu arkay isku day uu dalkaasi ku doonayo in uu Maraykanka cadaadis ugu saarayo is afgaranwaaga dhex yaalla.

Maxaan ka ognahay Markabka?
Markabkan oo la dhoho Wise Honest, ayaa markii u horraysay la qabtay sannadkii hore Maraykanka ayaana codsaday ogolaanshihii uu kula wareegi lahaa bishii Luulyo ee sannadkii 2018.

Indonesia oo qabatay ayaana markabka wareejisay, haddana wuxuu ku sii jeedaa dhanka dalka Maraykanka.

Maraykanka ayaa shaaciyay in ku dhawaaqidda markabkan aysan wax shuqul ah ku lahayn gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

“Xafiiskanaga ayaa daaha ka rogay hab ay Kuuriyada Waqooyi ku dhoofinaysay dhuxul dhagax heer sare ah iyada oo dalal ajnabi ah ka iibinaysay isla markaasna qarinaysay halka uu asal ahaan ka soo jeedo markabka Wise Honest,” ayuu yidhi Geoffrey S Berman oo ah dacwad ooge Maraykan ah.

“Arrintaas Kuuriyada Waqooyi uma suuragalinin in ay cunaqabataynta caalamkiga ah kaga xidaaraysato oo kali ah, balse markabka Wise Honest waxaa sidoo kale Kuuriyada Waqooyi loogu sii qaadi jiray mashiinno culculus, arrintaas oo gacan ka gaysan jirtay awoodda ay Kuuriyada Waqooyi uga xidaaraysato cunaqabataynnada saaran.”

Kharashaadka lagu dayactirayay markabka Wise Honest ayaa lagu eedeeyay in loo adeegsaday lacago doolarka Maraykanka ah oo lala kaashaday bangiyo Maraykan ah oo aan ka shakisnayn, arrintaas ayaana dawladda Maraykanka fursad u siisay in ay tallaabo dhanka sharciga ka qaadaan oo dacwad ku soo oogaan.

Kuuriyada Waqooyi waxaa saaran cunaqabataynno badan oo uu ku soo rogay Maraykanka iyo kuwo kale oo caalami ah, iyadoo Pyongyang loo hayso horumarinta hubkeeda nukliyeerka ah iyo gantaallada ay tijaabiso.

Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi dib ma isula jaanqaadi karaan?
Arrimaha ka soo cusboonaaday labada dal ayaa tilmaamaya in ay ku laabanayaan cadaawaddii ka dhaxaysay, balse ergayga Maraykanka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Stephen Biegun ayaa hadda ku sugan Kuuriyada Koonfureed si ay uga wada hadlaan sidii dib loogu billaabi lahaa barnaamijka tirtiridda hubka nukliyeerka ah.

Madaxweynaha Trump ayaa sheegay “in qofna uusan ku faraxsanayn” tibaabooyinkii hubka ee u dambeeyay.

“Waan ogahay waxay doonayaan in la wada xaajoodo, waxay ka hadlayaan wada xaajood. Balse uma malaynayo in ay diyaar u yihiin wadaxaajood,” ayuu yidhi.

Wuxuu noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi ka dib markii ay shireen sannadkii hore, balse inkastoo kulankaas iyo mid kale oo dabo socdayba ay dhaceen haddana wax wayn oo la taaban karo kama soo bixin marka la eego qorshaha hubka nukliyeerka ah looga tirtirayo gacanka.

Sannadkii hore Kim wuxuu sheegay in uu joojin doono tijaabinta hubka nukliyeerka ah isla markaasna uusan sidoo kale ridi doonin gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, balse dhaqdhaqaaq arrimahaas la xidhiidha ayaa sii socdaan.

Waxyaabihii la taaban karay ee kulanka labada masuul ka soo baxay waxaa ka mid ah in Maraykanka loo celiyo askartii ka dhimatay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, arrintaasina hadda way joogsatay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top