” Gacanta Qabow ee Dawladnimo ( Soft Power ) ”.

Sidda dadka caadiga ah oo kale , Dawladuhuna waxay leeyihiin labba gacmood , labadaas gacmood oo kala ah gacan qabow iyo gacan kulul . Gacanta kulul ee dawladnimo waxaa laggu tilmaamaa adeegsigga cudud ciidan , xayiraad dhaqaale iyo muquunin awoodeed , hassa yeeshee gacanta qabow ee dawladnimo waxa weeyaan ,adeegsigga xirib siyaasadeeed , farsamooyin aqooneed iyo horumarin bulsho .

Xaaladda Gobolka Sanaag .

Denbiyadda iyo aqoonta ku saabsan marka lagga hadlayo , waxaa jirra qaaciidooyin xisaabeed oo la isticmaalo , kuwaasoo laggu soo saaro heerka uu marayo denbigu iyo helista xalka ku haboon .

Qaacidada koowaad , Tiradda denbiyadda dhacay ayaa loo qaybiyaa tiradda dadwaynaha , ka dibna waxaa laggu sameeyaa is barbar dhig .

Dhinaca kale , helista sababaha keenaya denbigu waxay kusoo baxdaa , daarasadaynta iyo falanqaynta denbiyadda dhaca iyadoo lagga eegayo .

– Dhinaca Deegaanka ,

-Bulshadda ,

– Dhaqaalaha ,

iyo Caafimaadka .

Hadaba hadii aynu xalaadan Sanaag usoo noqono , sababaha keenaya korodhka denbiyaddu waxay soo gelyaan qodobadan aynu soo sheegnay oo dhan .

Sanaag Deegaan ahaan waa degaan dib uga dhacsan wadanka intiisa kale , Dhaqaaluhu wuu liitaaa , Bulshadda heerkeeda aqooneed iyo tacliimeed ma horimarsana , Caafimaad ahaana , waxaa ku batay Goboladda Barri oo dhan oo Sanaagna ku jirto Mukhaadaraadka kala duwan .

Sidaa markay tahay , Gobolka Sanaag wuxuu u baahan yahay in Dawladdu u adeegsato gacanteeda qabow ee dawladnimo ( Soft Power) , sidaa awgeedna aanay adeegsan gacanteeda adag ee dawladnimo ( Hard power) .

Si arrintaas loo xaqiijiyana waxaa muhiima .

1- In la dejiyo Istaajiyadda dawladeed ee gacanta qabow ee dawladadeed oo isugu jirta waqtiga dhaw iyo waqtiga dheer .

2- In la xoojiyo horumarinta haayadaha Nabadgelyadda Gobolka , sidda Booliska , Sirdoonka , Jeelasha iyo Garsoorkana , madaxda hogaaminaysaana ay noqdaan kuwo aan gebe ahaanba u dhalanin gobolkaas .

3- In la xoojiyo maamulka dawliga ah ee goboladaas , dib u dhiskiisa iyo horumarintiisana loo xilsaaro xubno ka tirsan goleyaasha oo muddo halkaas fadhiista .

4- Galaangalka bulshadda , turxaansaarista iyo isu soo dhawaynta qabaa’ilka .

5- iyo isticmaalka wacyi gelinta bulshadda haday noqoto dhinaca Miidiyaha , Culimadda, shir-hawleedyadda iyo abaabulka bulshadda .

6- La dagaalanka mukhaadaraadka iyo maandooriyaha .

7- Ugu danbayn hadii la doonayo xakamaynta denbiyadda iyo yarayntooda ,waxaa lagama maarmaan ah in Dhaqaalaha iyo aqoonta deegaanaddaa kor loo soo qaado , horumarkana loo adeegsado la dagaalanka denbiyadda , maxaa yeelay denbiyaddu waxay ku bataan aduunka oo dhan meelaha dib u dhacay .

W/Q: Ahmed Nour Guruje