Fallanqeyn Kooban Oo Ku Saabsan Ciyaarta Qaaxoology-Ga Xisiga KULMIYE IYO WADDANI Oo Kolba Il Duufaya Godadka Guusha Siyaasadda

Saddexda xisbi waxa loo sameeyey in hadba labada is ee raaca loo hogaansamo, tusaale, 

sanadkii 2009-kii waxa is raacay xisbiga UCID iyo KULMIYE waxaanay muquuniyeen xisbigii UDUB, ka dib markii la isku qabtay dib u dhaca doorashooyinka oo dhawr sanadood kolba dib u dhacayey, waxaana soo horeyn lahayd baarlamaanka, balse markii labadda xisbi mucaarad is raaceen waxa lagu qasbay inuu soo horumariyo ta madaxtooyadda, sidii baanay u dhacday oo waa tii 2010-kii doorashadii madaxtooyadu dhacda

Marar kale waxa is raacay UDUB iyo UCID waxaanay qasab ku noqotay KULMIYE inuu labadda xisbi ee kale aragtidooda qaato, hadii kale dadkii uu codka ka rabay waxay u arkayaan inuu kulmiye khaldan yahay, isago arrintaasi diidaya ayuu marar badan raacay labaddii xisbi go’aanadooda isagoo hoosta ka ogolayn ku qasbanaaday.

Xisbiga UCID door weyn iyo saameyn buu ku leeyahay wakhtiyada khilaafyada la is mari waayo dalka ka dhacayaan, waxaanay mar walba u janjeedhsadaan dhinaca danta guud oo wuxuu jecel yahay in aanu marna dadka shacabka wax ka nixinaya ku dhowaaqo..

Doorkan KULMIYE waxa uu raacay aragtidii UCID uu qabay, tusaale ahaan, xisbiga WADANI wuxuu watay in la kala diro komishanka, xukuumaddu way diidaneed, UCID waxa uu watay in la kordhiyo oo laba xubnood loogu daro labada xisbi mucaarad, xukuumaduna way diidanayd.

markii sadddexda xisbi is mari waayeen ee ku kala kaceen, xisbiga KULMIYE wuxuu taageeray aragtidii dhexdhexaadka ahaa ee xisbiga UCID,waxaana ogolaadeen in laba xubnood loogu daro xisbiyad mucaaradka oo xeerkaasi wax laga bedelo doorashada ka dib, taasina waxay keentay inay isku soo dhowaadaan KULMIYE iyo UCID mar hadii tiisii la raacay.

Waxa la moodaa in taladii ka qaloocantay WADDANI, waxay aragtidoodii ku qancin kari waayeen UCID, waxay ku qancin kari waayeen beesha caalamka ee doorashada taageerta, 

waayo xisbiga kulmiye wuxuu beesha caalamka u sheegay in sabab loo bedela jirin guddi aan muddu xiloodkoodii ka dhamaan, sharcina u lahayn inuu kala diro illaa iyagu is casilaan mooyee.

Xisbiga WADANI markii beesha caalamku waydiiyeen sababta loo bedelayo, waxay ku doodeen in aanay ku qanacsanayn, taas macnaheedu waxa weeyi doorashadii hore kuma qanacsanid hadii aanad ku qanacsanayn doorashadii hore maxkamada geeya, ma gaynayo, waana ku qanacnay natiijadii doorashada balse guddidan inay shaqo dambe qabtaan ma doonayno ayey doodoodii ahayd, taasi waxay keentay inay ku qanci waayeen beesha caalamka go’aanka xisbiga WADANI ee ku aadan guddida doorashooyinka. 

Waayo natiijadii doorashadii madaxtooyadii ay soo saareen waan ku qanacsanahay balse guddi aan muddo xileedkoodu dhamaan sabab la’aan ha la eryo way u cuntami waayeen.

Arrintaasi waxay fursad siisay xisbigii kulmiye, KULMIYE oo fajadii qaaxo ciyaaraya waxa uu raacay aragtidii xisbiga UCID ee dhexdhexaadka ahaa si bulshada caalamka u tusaan cidda kaliya ee khaldani inay tahay xisbiga WADANI oo ay ka dhigaan gar ma qatayaan aan xal keeneen, hadii WADDANI sidaas ku sii adkaysanaya waxay dhibaato u keenaysa uun sumcadda xisbiga.

Hadhow marka liiska mushariinta la diyaarinayo ragii ka sharaxnaa xisbiga laba mid bay noqonaysa, inay hogaankooda ku qasbaan inay go’aankan labada xisbi qaataan iyo inay xisbiyada kale iska soo sharaxaan, taasina uma fiicna xisbiga WADDANI oo waxay isku diraysa musharaxiintii xildhibaanada xisbiga ka sharaxnaa iyo madaxda xisbi, waxaanay ku doodayaan marka doorashada madaxtooyada gaadho ama doon ama diid gudoomiye, balse doorkan waa markayagii ee doorashada ha naga reebin dibna ha u dhigin, waxaanay u eekaan doonta in xisbiga WADANI sabab u noqon karo in mar kale loo kordhiyo baarlamaanka hada jooga, taas oo si weyn uga cadhoon doonaan musharaxiinta qaarkood guryahoodii u iibiyey doorasahda soo socota ee kolba dib loo dhigayo.

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar