Connect with us

somalilandtoday.com

Tariikh Nololeedka Ninka Isu Cumaamaday Madaxweynaha Dalka Sudan.

focus

Tariikh Nololeedka Ninka Isu Cumaamaday Madaxweynaha Dalka Sudan.

(SLT-Sudan) Janaraal Cawad Bin Cawf ayaa loo dhaariyay madaxa sare ee golaha militariga Suudaan kaas oo hoggaamin doono dowladda kumeel gaarka ah labada sanno ee soo socota.

Janaraal Cawad ayaa shalay shaaca ka qaaday in xilka laga qaaday madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Waxaa uu ahaa wasiirka gaashaandhigga dowladdii Al Bashiir, waxaa uu bishii Febraayo u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka koowaad.

Waxaa loo arkay ninka xilka ka dhaxli doono Cumar Al Bashiir.

Waxaa uu ahaa madixii sirddoonka militariga ee Suudaan xilligii ay socdeen dagaallada Daarfuur.

Sannadkii 2007-dii, Mareykanka waxaa uu kusoo roggay cunaqabateyn kaddib markii lagu eedeeyay inuu taageero u fidiyay maleeshiyaadka Janjaweed oo la sheegay inay dambiyo dagaal ka geysteen gobolka Daarfuur.

Sannadkii 2008-dii, waxaa loo magacaabay ku-xigeenka taliyaha militariga balse 2 sanno kaddib ayaa xilka laga qaaday.

Sannadkii 2015-kii, waxaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee Suudaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top