Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa Ugu Muhiimsan Ee Lagu Xasuusan Doonaa Sharmaarke Geelle?…W/Q Mahad Diini

Articles

Maxaa Ugu Muhiimsan Ee Lagu Xasuusan Doonaa Sharmaarke Geelle?…W/Q Mahad Diini

Marka hore aad ayaan u salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.

Waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka idhaahdo waxqabadkii balaadhnaa ee gudoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha dawlada Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle uu hirgeliyey kaas oo mudada uu qaranka u shaqaynayey horumar weyn ka sameeyey shaqadii loo dhiibay, balse waxaan dareemayaa inaanu madaxweynuhu abaal marin ee uu ka doorbiday in qof aan waxba qaban la dalacsiiyo ama booska uu joogo lagu sii hayo, taas oo aan dan u ahayn dalka.


Waxyaabaha muhiimka ah ee sharmaarke uga tagay qaranka somaliland waxa mudan in la sheego oomarkasta la soo bandhigo xogta shaqaalaha somaliland oo kaydsan taas oo muhiim u noqonaysa shaqaalaysiin kasta oo dawladu doonayso inay samayso, xogtaas hirgelinteeda iyo kaydinteedaba gudoomiye Sharmaarke tacab badan ayuu galiyey wakhtina waa uu kaga baxay.

Waxa xusid mudan in mudadii la waday ururinta xogtaas in gudoomiyuhu istaagayey goob kasta oo shaqaalaysiin laga samaynayey ama laga diwaan gelinayey shaqaale dawladeed, taas oo suura galisay inaanay sinaba cadaalo daro u dhicin isla markaana aan la dulmiyin shaqaale xuquuq ku leh qaranka oo mudo u soo dhaqaynayey.

Sharmaarke Axmed Muxumed waxa uu wadanka uga faa,iideeyey awoodiisa dhalinyara-nimo taas oo u saamaxday inuu saacadaha ugu badan shaqeeyo isla markaana uu soo maro meel kasta oo dalka ka mid ah oo shaqaale laga diwaan gelinayey, waxaanu ku suntan yahay shakhsiyad sawir wanaagsan ka bixisay magaca dhalinyarada ee lagu ciyaaray, iyada oo xumaanta ay sameeyaan golaha deegaanka hargeysa ee magaca ka dishay dhalinyarada dalka lagu ilaawi karo marka sharmaarke oo kale la arko.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi waxa laga filayey inuu gudoomiye sharmaarke ku abaal mariyo waxqabadka uu qaranka u hirgeliyey, balse waxa muuqata inuu hoos u dhigay oo uu geeyey meel aanu waxqabadkiisa iyo awoodiisa dhalinyaranimo ka muujin Karin oo uu haysto nin aanu la shaqayn Karin oo wax walba kaligii isku koobay.

Ugu dambayn madaxweynaha waxaan leeyahay dhalinyarada firfircoon ee sharmaarke ugu horeeyo waa inaad madax uga dhigtaa goobaha taabanaya adeegyada bulshada si ay u suura geliyaan in bulshadan laga saaro dhibaatooyinka badan ee haysta isla markaana ay wax qabad muuqda u hirgeliyeen balse ha noqon curdan dhadhiye curyaamiya haldoorka dhalinyarada.

Mahad Diini

Diini32@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top