Dhakhatiir U Dhashay Dalka Cuba Oo Lagu Afduubay KENYA .

(SLT-Nairobi)Labo dhakhtar oo ajnabi ah ayaa laga afduubay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil booliiska ka tirsan.

Ilaaladoodii ayaa lagu soo warramayaa in la dilay. Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka.

Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo tallaabiyay dhanka Soomaalya.