Connect with us

somalilandtoday.com

Wax Is Waydiine Ma Xumee Wax Iswaydaaris Baadaran!

Articles

Wax Is Waydiine Ma Xumee Wax Iswaydaaris Baadaran!

Maxay kala yihiin labada arimood:

1. Dal madax banaan oo dawlad leh 

2. Dal dawlad aaney ka jirin (Madax dhaqameed leh)

Hadii aan arinta mahan ka hadlo waxay u baahneysaa in sharaxaad ka bixino farqiga u dhaxeeya labdan arimood iyo waxay wadaagan ugu horeyntii waxaa si fiican u baahan in ay nu u fahano dawladi maxay tahay?

1. Dawlad(government) waa nidaamka ama habka koox dad ahi u hagto(hogaamiso) bulshada(community) taas oo inta badan loo yaqano gobole(state), golaha ay lee yihiin ee maamulana dawlada waxay sida caadiga ka kooban yihiin haydada sharci dejinta (legislature), Fulinta (executive iyo Garsoorka ( and judiciary).

2. Madax dhaqameed (Traditional leaders), waa hogaamiyaal bulsho qaybeedyo oo dhinaca dhaqanka iyo caadooyinka bulshooyinkasi ay hogaaminayaan door ku leh.


Hadaba hadii aynu u soo noqono Somaliland iyo labadan qaybood ee ka jira waxaa loo baahan yahay in la kala garto doorkooda, iyo shaqooyinka ay kala lee yihiin hadii si fiican loo kala fahmi waayo waxaa jahawareer ku dhacayaa maamulka iyo nidaamka dalka,taasina waxay horseedi doontaa mashaqo aan laga soo waaqsan Karin oo ku timaata dawladnimada iyo qaranimada Somaliland.

waxay jira xeer cilmiga fisigiska ah oo qaba in laba shey aaney hal mar meel isku mida wada gelikarin(two matters can’t occupy the same space). 


Taas waxaa aan ula jeedaa in aaney suurto gal ahayn in Dawlada iyo Madaxdhaqameelku wada buuxiyaan shaqada laga rabo dawlada,sideedaba laba dawladood hal dal ma wada maamulaan waxaa taas ula jeedaa waxaad runtii aad moodaa Somaliland iney ka jiraan awood maroori aan sharci ahayn oo aad moodo in ay sii daciifeyso maamul wanaagii iyo shaqadii la kala lahaa ee loo xilsaarnaa waxaad moodaa in aqoonta iyo karida shaqaalaha dawladu aaney kobcin ilaa intii ay Somaliland jirtey.


Madax dhaqameed ku waxay hayadaha dawlada ku haystaan shaqadoodii, hayadaha dawloduna waxaaney garaneynin doorkoodii shaqo iyo waxay u xilsaaran yihiin.


Dawlada waxaa la gudboon in ay xakameyso sharcina laga soo saaro warsaxaafadeedyada aflagaada,iyo anshax xumida leh ee aan waafaqsaneyn nidaamka iyo shuruucda dalka nabadana qaribaya.Waa in shaqaalaha dawlada kor loo qaadaa aqoontooda sidoo kale madax dhaqameedada waa in shuruuc lagu maamulo loo sameeyaa oo qeexaya kaalintooda,waxay u xilsaaran yihiin waana loo qabtaa aqoon isweydaasi iyo waxbarasho koobkooban oo la xidhiidha dhaqanka wanaagsan iyo doorkooda bulsho.Madaxweynaha waa in lagula xisaabtamaa shaqadiisa oo keliya balse madaxweynuhu ma aha mid shaqo kasta u xilsaaran tusaale ma aha Caaqil reer,Ma aha Garsoore maxkamadeed,ma aha police officer,ma aha Duqa magaalo,ma aha gudoomiyaha shaqo bixinta,ma aha wasiirka arimaha gudaha iwm laakiin shaqadiisa uu qaranka u hayo ayuu fulinayaa.Sidaa darteed hadii ninkii ganacsigiisa arimaho la xidhiidha dad isku qabtaan waxay u taalaa haydaha shaqada ku leh waana gardaro in meel kale loola kaco. Waxaad arkeysaa haweenay meel ay ka shaqeyn jirtey oo xafiisyo ay xaaqi jirtey shaqadii laga ereyey oo saxaafada soo fadhisaneysa oo madaxweynaha kala hadleysaa arintaasi shaqadiisa ma aha hayado u xilsaaran baa jira oo miisaneyd lagu siiyo shaqadaasi kuwaasi markey waxba qaban waayaan qofku meel kale ha u cawdo,balse in arimo aan mudneyn wakhtiga shaqada mudan lagu hakiyo ma aha waxaynu u baahan nahay in aynu laba mid uun noqono,Dawlad nidaamka dalka looga dambeeyo oo lagula xisaabtamo iyo dad aan dawladnimo rabin oo madax dhaqameedku u taliyaan gartana sidii ay ahaan jirtey geedka hoostiisa lagu qaado oo beeluhu wada xaalan labaadsi wixii ka dhexeeyaa idinka ayaa sheegin!

Mahadsanidin

M J Farah rashiid64@outlook.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top