Annaguba shalay…W/Q Barkhad M. Kaariye

Wakhti bay ahayd muranka siyaasadeed ee aanay Somaliland ka korin wali uu meelo adag marayay. 2009 horraantiisii bay ahayd oo ay taagnayd murankii siyaasadeed ee doorashada, diiwaangelinta iyo danayaal kale oo ku xeernaa, cid lahaydba. Waxa murankaas awgii siyaasiyan isku maandhaafay madaxweynihii JSL ee wakhtigaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan. Murankaasi warbaahinta in uu soo galo ayaa dhacday. Waxaan kashaqaynayay Wargeyskaygii, Wargeyskii sababta u ahaa horumarkayga mihnadda saxaafadda iyo inaan soo galoba ee OGAAL. Madaxweyne Rayaale ayaa warbaahinta la hadlay, dabadeed waxaannu doonnay dhinicii golaha Guurtida. Guddoomiye Saleebaan baannu u tagnay, wareysi gaar ah ayuu OGAAL siiyay oo aan anigu ka socday. Cod-duube aan siday baan hordhigey, telefoon gacanta ahna duubis baan ku bilaabay, haddana waxaan bilaabay qoraal intii wareysigu socday. Wareysigii oo ah mid aan cid kale haynin oo gaar ah, ayaan xafiiskii ku noqday. Markaan doonay inaan qoro wareysigii, codba waan ka waayay cod-duubihii. Haddana waxaan eegay telefoonkii, waxaan ka waayay cod uu duubay. Markaas ayay talo igu caddaatay. Waxa kaliya ee aan hayay waxay ahayd qoraalkii aan qaaday intii wareysigu socday.


Anigoo aaminsan in wareysigaasi dhintay oo halkaa lagu war la’yahay, ayaa macallinkaygii mihnadda, Cabdiweli Faarax Jaambiir, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu keenay xal. Wuxuu ii sheegay in qoraalka aan qaaday aannu warka ka qorno, si looga fogaado in wax aan jirin amma muran ka dhalan karo na, loo qoro. Wuxuy soo jeediyay inaan la samaynin ‘Xigasho’ ee la ‘Fahan-qoro’. Taas oo macnaheedu tahay, in la tebiyo su’aalaha iyo jawaabaha wareysiga, annagoo macno ahaan tebinayna, balse mar haddaan la hubin ereyadii oo sax ah, aan la xiganin oo aan la isticmaalin ‘Calaamadda xigashada’! Taasi waxay keentay in wareysigii baxo, macnihii aannu isbeddelin, sidoo kalena sugnaanshihii warka iyo dhexdhexaadnimadii aanay meesha ka bixin.

Haddii aad isticmaasho ‘Calaamadda xigashada’ oo ah (” “) macnaheedu waxa weeye qofku isagaa hadalkaas oo aan erey lagu darin, midna aan laga dhimin hadalka sidaa u yidhi! Saxafigu warka, xogta iyo dhacdada aannu rasmi ahaan hubin sida ereyada saxda ahi ay ahaayeen, halkii uu ka samayn lahaa ‘Calaamadda xigashada’ oo keeni karta in la beeniyo, muran ka dhasho amma aragtidiisa uu ku daro, waxa habboon in uu macno-qoro, isagoon waxna ku daraynin, waxna ka dhimaynin.#AnigubaShalay