DAAWO:“Madaxweynuhu In Uu Arrinta Dhex-dhexaadin Ka Galo Ayay Ahayd…” Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Hadlay Qadiyadda Axmed Geelle, Qabsoomida Doorashooyinka Iyo Arrinta Cali Khaliif

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxaysa Axmed Cismaan Geelle iyo dawladda Jabuuti, waxaanu si adag u naqdiyay qaabkii ay Madaxtooyadda Somaliland uga falcelisay dhacdadan, isaga oo ka warramay Khaladaadka ku jiray warsaxaafadeedkii Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhan kale Muniir Axmed Cigaal waxa uu ka hadlay doorashooyinka iyo tabashooyinka gobolada qaar ka qabaan Somaliland iyo Heshiiskii Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh, waxa uu tallooyin muhiim ah u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Halkan hoose ka DAAWO