Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!”

Qaybta 1aad – Ayaa Hortaagan In Ay Dalka Ka Qabsoonto Doorasho Loo Dhan yahay? Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

 

Waxaa ay ahay 2dii April, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, uu la kulmay wafdigii ugu cuslaa oo dalka soo gaadha, kuwasoo ka koobnaa ergayga Midowga Yurub (EU) iyo danjirayaasha dalalka Sweden, Finland, Denmark, Norway iyo UK ee fadhigoodu yahay Nairobi, Kenya. 

Wafdigu waxaa uu la kulmay dhinacyada xukuumadda, xisbiyada mucaaradka, xeerdejinta, komishanka doorashooyinka iyo bulshada rayadka ah si ay u dardargeliyaan in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka u qorshaysan dabayaqaada 2019. Sidoo kale, wafdigu waxaa ay ka bogteen aragtiyada bulshada, cabashooyinka ku gedaaman doorashooyinka iyo duruufaha adag ee uu dalku maanta marayo. Waxaana wafdigu uu helay qoraalo iyo talooyin kala duwan oo ka soo gaadhay hoggaamada dhaqan, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada dalka.

Barlamaanka UK fadhi uu ku kulmay badhtamahii February 2019, Wasiiru-dawlaha UK ee Arrimaha Afrika Marwo Harriet Baldwin, mar ay ka jawaabasay weydiin uu ku soo gannay Xildhibaan Stephen Doughty oo laga soo doortay K. Cardiff, waxaa ay kaga warcelisay, “Xukuumaddeedu in ay aad ugu heellan tahay gacan ka geysashada doorashooyinka Somaaliland”. Isla markaa, wasiiraddu waxaa ay tibaaxday in ay Hargeyso u diri doonaan ergo culus oo ka socota dalkeeda iyo dalalka Europe si ay ugu gogol-xaadhaan doorashooyinka.

Sidoo kale, wasiiraddu waxaa ay sheegtay in ay abuureen Sanduuqa Colaadda, Nabadgelyada iyo Xasillonida (CSSF) kaasoo loogu talo galay xallinta colaadda iyo ismaandhaafka ka dhex jira dawladda dhexe iyo gobolada darfaha, horumarimarinta iyo sugidda nidaamka diiwaan gelinta, hagaajinta farsamada iyo ka qayb-galka haweenka ee doorashooyinka. 

Haddaba, isweydiintu waxaa ay tahay in la ogaado ku talogalka xukuumadda iyo waxaa ugu qorshaysan qoddobada aan soo sheegnay, marka aan ogaanay sida dalalkii shisheeye u dareensan yahiin baylahda ka jirta dalkeenna? Weliba, Xukuumadda Hingiriisku in ay qorshaysay talo iyo dhaqaale ay ku dhaydo boogaha jira! Nasiib-darro, sida uu warbaahinta ka sheegay Xildhibaan Cali Barre (wakiilada) mar uu ka warcelinayay khudbaddii Madaxweynaha 2019 ee Golayaasha Qaranka, “ilaa hadda, ma ay jirto siyaasad cad oo uu madaxweynahu ku abbarayo xal u helidda tabashadaa qarada weyn ee ka jirta darfaha”. 

Isla markaa, waxaa aan ka war qabnaa, Xukuumadda Hingiriisku in ay kal hore ugu yaboohday Sanduuqa Horumarinta Somaaliland (SDF) lacag dhan 25 milyan Giniga Isterliinka. Lacagtaas lama yaqaan mashaariicda lagu fulin doono innaga oo ogsoon lixdan milyan oo Doollar oo loogu deeqay isla sanduuqaa (SDF), in ka badan 80% in ay ku baxday Caasimadda Hargeysa iyo Gobolada Galbeedka soke. 

Haddaba, sida aan hore u soo tibaaxnay, toddobaadkan, waxaa dalka soo gaadhay wafdigii ay sii sheegtay Wasiiradda Marwo Harriet Baldwin. Marka aan ka tagno afgobaadsiga iyo erayda dedan ee ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda, mudane Faratoon, Danjiraha Denmark Marwo Mette Knudsen oo hoggaaminaysay wafdiga, waxaa ay ku tiraabtay in ay madaxweynaha iyo xukuumadda Somaaliland ka wada hadleen doorashooyinka innagu soo fool leh iyo sida weyn oo ay u taageersan yahiin geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaaliland. 

Wafdigu, waxaa kale oo ay u caddeeyeen madaxweynaha sida ay ugu rajo weyn yahiin in uu suurta geliyo is-afgard dhex mara xisbiyada qaranka si ay sannadkan u qabsoomaan doorashooyinku. Danjire Marwo Mette Knudsen, waxaa kale oo ay dulmartay in ay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sidii loo meel marin lahaa wada hadalka Somaaliland iyo Soomaliya.

Waxaa run ah, qof kastoo wax garad ah in uu garan karo masuuliyadda xukuumadda iyo shacabka ka saaran qabsoomida doorashada, marka laga eego dimuqraadiyadda aan ku sheeganayno in aan kaga horreynno dalalka deriska. Somaaliland waxaa ay ku tookhdaa muddo 14 sannadood ah in ay si nabad ah xilka u la kala wareegeen 3 madaxweyne. Hase ahaatee, waxaa dalka bar madow ku noqotay dib-u-dhaca 8 jeer ku yimid doorashooyinka barlamaanka iyo dawladaha hoose, muddo 14 sannadood ah. Barlaamnku waxaa uu yuururaa golaha tan iyo 2005. Waxaana ay ahayd 30kii October 2010 in la soo doorto xildhibaanadii bedeli ahaa. 

Si kastaba ha ahaatee, qof kastoo maanta ku fekeraya in ay sannadka 2019 qabsoomi karaan doorashooyinku, waxaa uu laf cad ku hayaa toobin, sababaha soo socda awgeed. 

Turuntorooyinka Ku Gedaaman Doorashooyink: 

1.Diidmada qayaxan ee ka soo yeedhay siyaasiyiinta, xubnaha barlamaan, hoggaamada dhaqan, culimada, haweenk iyo dhallinyarta Gobolada Awdal iyo Salel taasoo ay ku saleeyeen walaaca ka jira saami-qaybsiga iyo wada lahaanshaha dalka. Arrintaas oo madaxweynahu si fool ka fool ah uga la xaajooday salaadiinta goboladaa ilaa hadda ma ay muuqato xal uu u helay. 

2.Diidmada qayaxan ee ka soo yeedhaysa qaybo ka mid ah siyaasiyiinta, xubnaha barlamaan, hoggaamada dhaqan, culimada, haweenk iyo dhallinyarta Gobolada Sanaag iyo Sool iyadoo la sugayo si dhakhso ah in ay uga soo baxaan baaqyo loo dhan yahay oo ka digaya in dalka lagu sii dhaqo waxii xilka lahaa ee beelaha qaarkood ku dulqaadanayeen muddo 25 sannadood ah. 

3.Diiwaangelinta qabyada ah ee muwaadiniinta dalka iyadoo ilaa hadda aan la diiwaan gelin tiro lagu qiyaasay 30% codbixiyayaasha. 

4.Dhammaystirka shuruucda qabyada ah ee lagu geli lahaa doorashooyinka. Xeerka cusub ee Doorashooyinka Guud waxaa muhim ah in uu sugo qoddobo lagu caddaynayo saamiga gobolada cabashadu ka jirto (Awdal, Salel, Sool iyo Sanaag), kootada haweenka, iyo Beelaha laga tirada badan yahay. Arrintaasi waxaa ay suurtagelin doontaa in la helo barlamaan loo siman yahay ilaa iyo inta laga gaadhayo tirokoob dhammaystiran iyo barlamaan ku fadhiya tirada dhabta ah ee dadka. 

5.Magacaabidda Komishan haysta kalsoonida saddexda Xisbi iyo tiro loo kordhiyo beelaha martida ka ah xisbiyada qaran, ka dib marka la kala diro komishanka hadda jooga oo xilligoodu gabaabsiga yahay. 

6.Shaqaalaysiinta hawlwadeenada Komishanka Doorashooyinka ee Gobolada Bariga Fog.

7.Tababaradii iyo Wacyegelinta bulshada Bariga Fog. 

8.Dhismaha xukuumad loo siman yahay sida (wasiirro, agaasimayaal guud, mareeyayaal, taliyayaal ciidan, danjirayaal, xuquuq ganacsi, qandaraaslay, sinnaan horumarineed, agaasimayaal waaxyo iyo shaqaale) kuwaas oo dhammaantood ku jira gacanta Madaxweynaha JSL. 
9.Diyaarinta saamiga xukuumadda kaga soo hagaagaya miisaaniyadda Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.

10. Gudo-galka fulintii heshiiskii Caynaba, October 2018, si loo helo dal iyo xukuumad la wada leeyahay.

11.Gudagalka furitaanka Distuurka dalka iyo Xisbiyada Qaranka. 

12. Dib u furid wada hadal iyo shirar lagu soo celinayo midnimo, cadaalad iyo xukuumad hanata kalsoonida shacabka. 

13. Ugu danbayntii, Komishanka Doorashooyinka oo dhowaan la kulmay Golaha Guurtida ayaa caddeeyay in aanay qabsoomi karayn doorashooyinkii u qorshaysnaa 2019 iyagoo ka ladhay cillado farsamo oo ay sababeen madaxweynaha iyo golayaasha qaran oo ka baaqsaday gudashada xilalka ka beegnaa doorashooyinka. 

Waxa kale oo xusuus mudan, dabayaaqadii bishii March, Barlamaanka waxaa la soo hordhigay Xeerka Guud ee doorashooyinka. Waxaana uu soo koobayaa Xeerka Doorashada Wakiilada, Xeerka Doorashada Deegaanada, Diiwanagelinta codbixiyayaasha, Kootada haweenka, iyo qoddobo badan oo u baahan in loo furo Dastuurka. Maanta, looma baahna xubnaha barlamaanku in ay ka gabbadaan runta. Weliba, xubnaha Barlamaanka Beelaha Darfaha waxaa laga sugayaa in ay hubiyaan xeerka kama danbeysta ah in uu muujiyo saami qaybsi u cuntama gobolada darfaha iyadoo aan la raadinayn wax sedbursi ah. 

Si gaar ah, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka waxaa xil taariikhi ah uu ka saaran yahay in aanay gacantooda ku fulin xeer Beelaha Darfaaha u jideeya quudhsi iyo duudsi. Ceeb ma aha, Beesha Dhexe, iyadoo leh 2/3 xubnaha Barlamaanka, haddii ay ku keliyeysato in ay codkeeda ku meelmariso duudsigii soo jireenka ahaa. Taas macnaheedu waxaa uu noqon doonaa meelmarinta Beesha-Dhexe-Land oo ay xaq u leeyahiin, waxaana la ogaan doono halka ay ku gaadhaan.

Abuurista Beesha-Dhexe-Land waxaa ay tahay arrin suurtagal ah, iyadoo la hubo, haddii ay taasi dhacdo, in ay Beelaha Darfuhuna kun jeer ka fursad fiican yahiin. Xaqna waxaa ay u yeelan doonaan in ay taladooda ku meelmaraan. Runtii, waxaa gabaabsi ah in lagu sii wada fadhiyo dulmigii ragaaday. Maantana, waxaa Beesha Dhexe xil culus uu ka saaran yahay in aanay gacantoodu ku burburin himiladii shacabka iyo jiritaankii qaranka JSL. “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuuse, masso in aannu nahay oo tolnimo (taladu) meeris noo tahaye”. Allah ha u naxariisto Abwaan Saahid Qammaam. 

Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” La soco Qaybta 2aad Runtu Ma Fantaa Dalku Waxaa Uu Ka Kici La’ Yahay Beesha Dhexe ………… 

Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania