Connect with us

somalilandtoday.com

Lamaane Waayeel Ah Oo Jacayl Kooda Ku Helay Abaalmarin Lacageed.

advertise

Lamaane Waayeel Ah Oo Jacayl Kooda Ku Helay Abaalmarin Lacageed.

(SLT-Toronto )Lammaane gaboow ah oo u dhashay dalka Canada ayaa buug dhexdiis ka heley waraaq ay ku qoranyihiin nambarada guusha ee baqtiyaa nasiibka.

Lammaanahan oo lagu magacaabo Nicole iyo Roger ayaa sannad ka hor iibsaday boonada baqtiyaa nasiibka, balse waa ay iska hilmaameen.

Kadibna haweenayda oo buugaag baaraysa ayay waraaqdii ay ku qornaayeen nambarada guusha ka dhex heshay mid ka mid ah buugaagta mar ay waxyar uun ka dhimanyihiin xilligii kama dambeysta ahayd ee sharciga ogolaa in qofka uu soo doonto lacagtiisa.

Waxa ay heleey lacag dhan $748,000, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin.

Ms Nicole ayaa sheegtay in wiil ay ayeeyo u tahay ay u raadinaysay buugaag uu kaga qeybgalo tartan
“Haddii wiilka aan ayeeyada u ahay uusan i weeydiisan lahayn agabkan, ma aanan heleen waraaqdaasi” ayay tiri Nicole.

Markii ay tigidkii iibsanayeen sannadkii hore, ujeedkeedu waxa uu ahaa in uu u noqdo haddiyad maalinta jacaylka halkii ay ubaxyo isaga iibin lahaayeen.

Waxa ay hadda doonayaan in ay lacagtan ku marti sooraan xubnaha qoyskooda, balse weli si wanaagsan uma aysan qorsheynin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top