Connect with us

somalilandtoday.com

Madax Ka Baaqday Shirweynaha Jamaacadda Carabta Oo Maanta Furmaya Iyo Arrimo Xasaasi Ah Lagaga Hadlayo

focus

Madax Ka Baaqday Shirweynaha Jamaacadda Carabta Oo Maanta Furmaya Iyo Arrimo Xasaasi Ah Lagaga Hadlayo

(SLT-Tunis)-Inta badan Madaxweynayaasha, Boqoradda iyo Amiiradda 22-ka Waddan ee xubinta ka ah Ururka Jamaacadda Carabta waxay ku sugan yihiin Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, oo la filayo inuu maanta uga furmo Shiweynihi 30-aad ee Madaxda Carabta.

Boqorka dalka Sacuudiga iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galaysa Kulankaasi, iyadoo uu labadaasi Dowladood ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii.

Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa waxay ka wada hadli doonaan Ajendayaal Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Xaalladaha Falastiin, Yemen,Libya, Faragelinta ay Dowladda Iiraan ku hayso Dalalka Gobalka, La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argaagixisadda iyo Qaddiyadda Buuraha Golan Haytis ee uu Madaxweynaha Maraykanka dhawaan u aqoonsaday qeyb ka mid ah Xudduudka Israel.

Dhinaca kale, Madaxda la xaqiijiyey inay ka baaqdeen Ka-qeybgalka Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta ku leeyihiin dalka Tunisia waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo uu Kulankaasi u matalayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamaiga, Axmed Ciise Cawad oo horey uga qeyb galay Shirka Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaadhayey Shirka Madaxda Carabta.

Inkaastoo Madaxweyne Farmaajo lagu casuumay Kulankaasi, haddana ma kala cadda sababaha uu u xaadiri waayey Kulankaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynayaasha dalalka Algeria, Masar, Sudan, Imaaraadka Carabta, Boqorka dalka Moroko iyo Madax kale ayaan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo ay Wakiilo u matali doona Shirkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top