Somaliland Xaga Maamul Daadajinta Iyo Shaqo Wanaaga Ma Kaga Dayan Karta Ruwaanda. By: Barkhad-ladiif M. Cumar

Afrika waxa u horeeya xaga maamul daadajinta iyo hufnaanta shaqo waa dalka Ruwaanda.

dalalka la barayo maamul daadajinta waxa aqoon korodhsi loo geeya Ruwaanda mararka qaarkood siminaarada hay’aduhu bixiyaan waxay shaqaalahooda iyo cida shaqo wanaaga barayaan waxa la geeya Ruwaanda.

Marka ilaahay jidka fiican kugu ridayo wuxu ka soo saara hogaamiye wanaagsan oo tubta toosan kugu ridda.

Faa’iidada maamul daadajinta:

  1. Faa’iidadda maamul daadajinta leedahay waxa ka mid ah madaxweynaha, ama wasiirka ama masuulka shirkadda haysta waxay ka yaraysaa culayskii isaga ku dhicii lahaa.
  2. Madaxweynaha ama wasiirka nidaamkaasi sameeyaa waxa u qabsoomay wax badan oo uu ku faanni karo.
  3. Dadka loo shaqaynayaa faa’iido badan bay ka helayaan oo marna waxqabadkaasi shacabkay gaadhaysa marna qof kasta oo adeeg u doonta isagoo faraxsan oo mabsuud ah ayuu ka soo baxaya.

Qofka madaxda ah ee maamul daadajin u sameeyaa shaqadiisa, waxa uu ku raacaystaa shaqada, isla markaana wuxuu noqdaa hogaamiye dadkiisa hanta.

Sidee buu qofku shaqada ama maamulka u daadajinayaa:

Tusaale ahaan, Madaxweynuhu marka uu shaqada bilaabo wuxuu wasiirka ka dalbanayaa sanadka soo socda waxa u qorshaysan ee uu qabanayo, wasiirku wuxu amra agaasimihiisa inuu diyaariyo qorshihii sanadka la qabanayey, agaasimuhu wuxuu amraa agaasime waaxeedyadiisa, agaasime waaxeedkuna waxay amrayaan shaqaalihiisa inay diyaariyaan waxay qabanayaan sanadka soo socda.

Ka dibna waxa soo baxaysa maalin walba waxa la qabanayo, sida u kala sareeyaan baa la isku maamulayaa oo mid waliba ka ka hooseeya ayuu shaqadiis ku ilaalinayaa.

Shaqaale hoosaadku shaqadii uu maalintii qabanayo wuxu u gudbinaya kii ka sareeyey, illaa ay gaadho ka ugu dambeeya ee ugu sareeya meesha, waxaana shaqada loo kala jajabinayaa maalintii, todobaadkii, bishii iyo sanadkiiba.

Marka uu masuul waliba qofkii ku haboonaa dirto waxa soo baxay shaqo wanaag iyo wax qabad muuqdo oo la qabtay.

Madaxweynuhu marka uu sadex bilood ba mar yidhaahdo wixii idiin qabsoomay soo gudbiya, waxa soo baxaysa in shaqadii loo igmaday ka soo baxeen iyo in dayaceen shaqadoodii.

isla xisaabtan kaasi ayey wax ku qabsoomayaan, dadkuna iskuma dhuumanayee qof walba waa la ogyahay waxay tahay shaqadiisu inuu qabtay iyo inuu caajisay labadaba waa lagula xisaabtamayaa.

Aduunyada waa la casriyeeyey shaqadii uu agaasime waaxeedku ama agaasimaha guud wuxuu si toos ah computerkiisa uga arkaya shaqada socota, isagoo xafiisba kormeerin buu computerkiisa ka arkayaa qof waliba shaqada uu hayo inuu maalintaasi dhameeyey iyo inaanu qaban, ka dibna qof walba adigoo u kicin baad waydiinaysa sababta shaqadaas u taalla u dhamaystiri waayey ama shaqo maalmeedkiisa u qorshaysnaa muxuu u qaban waayey.

Hadii isla xisaabtankaasi dalka laga hirgaliyo muddo gaaban ayeynu dalalka horumaray ku gaadhi karnaa, inaga nasiib darada ina haysataa waxay tahay shaqaalaha dawladda qofna ma garanayo waxa uu qabto siduu baraha bulshada u isticmaalayo ayuu kaga rawaxaa, taasi waxay dhibaato ku tahay shacabkii adeega usoo doonto xafiisyada dawlada, waana ta keentay in qofku dhibsado hadii xafiis dawladeed hawlo ka gallaan.

Ta labaad qof waliba xafiiska uu joogo ayuu dadka ku gumaystaa oo uu u haystaa inuu isagu leeyahay, waayo cid isaga la xisaabtamaysa ma jirto, isna cid uu u naxaya ma jirto.

Wixii wanaagsan waa la iskaga daydaaye ma sidaas baynu ku shaqaynaya mise sideenii hore ee dib u socodkaynu iskaga wadanaa?