Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Dadka Ku Laayay Masaajidkii New Zealand Oo Fariin Email U Diray Raysal Wasaaraha New Zealand.

English

Ninkii Dadka Ku Laayay Masaajidkii New Zealand Oo Fariin Email U Diray Raysal Wasaaraha New Zealand.

(SLT-New Zealand)Ninka lagu tuhunsanyahay inuu gaystay weeraradii masaajidka ee ka dhacay dalka New Zealand ayaa warqad email ah u diray raysal wasaaraha dalka NZ , kahor daqiiqado markii uu weerar uu ku qaaday masaajidka , kaasi oo ay ku geeriyoodeen konton qof oo ahaa muslimiin cibaadaysanayay xiliga weerarka uu dhacayay.

Inkaar Qabihii Muslimiinta ku laayay New Zealand ??

Ninkan ayaa warqaddiisa kaga hadlay waxa uu ugu yeeray ajaaniibta soo duushay, sida ay sheegtay raysal wasaaraha New Zealand Ardern .

Waxaa ay xustay xafiiskeeda iyo xafiisyo kalle inuu ninka weerarka lagu tuhunsanyahay uu email usoo qoray oo uu ugu yeeray Manifesto, sagaal daqiiqo kahor xiliga weerarka uu dhacay, iyadoona ay sheegtay inaanay u suurto gelin inay qaadaan ficil ay ku joojinayaan xasuuqaasi.

“Ma’ uusan sheegin madasha uu joogo, mana bixin wax faahfaahin ah, haddii aan talaabo qaadi lahayn? ayay u sheegtay iyadoo saxaafadda la hadlaysay.

“Waxaan helay ilaa dhowr email oo sodomeeyo ah, sagaal daqiiqo kahor xiiga weerarka uu dhacay, waxaana ku jirtay mid iiga timid guddiga amniga ee baarlamaanka” ayay tiri iyadoo intaasi ku dartay daqiiqado kadib inay sii xigtay weerar dhacay iyo nin xabsiga ay dhigeen booliska oo falka ku eedaysan.

Raysal wasaaraha ayaa la kulantay goor sii horaysay ehelada bulshada Muslimiinta ee magaalada weerarka uu kadhacay ee Wellington.

Weerarkan dhacay jimicihii ayay ku sheegtay mid argagaxiso, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu ba’naa ee ka dhaca dalka NZ , iyadoo ammaanka dalkaasi aad sare loogu qaaday si looga hortago weeraro la mid ah inay dhacaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top