Wasiir Amray In Si Dhakhso Ah Loo Joojiyo Dhisme Ka Dhex Socda Dugsi Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Cismaan Jaamac Aadan, ayaa laamaha kala duwan ee dawladda ka codsaday in ay si dhakhso ah u joojiyaan dhisme ka dhex socda iskuulka Sheekh Bashiir ee magaalada Hargeysa, kaasi oo uu ku tilmaamay sharci darro.