Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Sheegay In Diyaaradaha Boeing 737 Max 8 Tahay Mid Ammaan Ah Oo La Isticmaali Karo

focus

Mareykanka Oo Sheegay In Diyaaradaha Boeing 737 Max 8 Tahay Mid Ammaan Ah Oo La Isticmaali Karo

(SLT-Washington)-Maamulka Duulimaadyada Dawladda ee Maraykanka ayaa u sheegay shirkadaha diyaaradaha in ay rumeysan yihiin in diyaaradda nooca Boeing 737 Max 8 ay tahay diyaarad la isku haleyn karo ka dib markii laba diyaaradood oo noocaasi ah ay burbureen muddo lix bilood gudahood ah.

Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 157 qof oo saarnayd.

Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa ku baaqay in diyaaradda in nooca Boeing 737 Max 8 la hakiyo isticmaalkeeda ilaa iyo inta baaritaan buuxa laga sameynayo.

Balse xalay ayuu maamulka duulimaadyada ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa soo saaray warbixin uu ku shaacinayo in diyaaraddaasi tahay mid ammaan ah oo la isticmaali karayo

Shiinaha, Indonesia, iyo Itoobiya ayaa isniintii dalbaday in shirkadahooda diyaaradaha ay joojiyaan isticmaalka diyaaraddaasi. Shirkadaha diyaaradaha ee waddamada Argentina, Mexico iyo Brazil ayaa sidoo kale hakiyay isticmaalka diyaaraddaasi Boeing 737 Max 8.

Hase yeeshee shirkado kale ayaa sii waday duulimaadyada diyaaraddan 737 Max 8 kadib markii shirkadda Boeing ay sheegtay in ay ammaan tahay.

Saamiyada shirkadda Boeing ayaa shalay oo Isniin ahayd hoos u dhacay 12.9% kadib markii uu shilku dhacay.

Wasiirka gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabo deg deg ah oo macquul ah haddii diyaaraddaasi lagu arko wax cillad ah oo sababaya in ay mar kastaa burburto.

Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysay su’aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top