Connect with us

somalilandtoday.com

“Wuxuu Ahaa Dilaa Dhoola-Caddeeya…” Ilhan Cumar Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Brack Obama

English

“Wuxuu Ahaa Dilaa Dhoola-Caddeeya…” Ilhan Cumar Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Brack Obama

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka BracK Obama oo ay iskala tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Ilhaan ayaa Obama ku sifeysay ruux ay kala duwan tahay ficiladiisa iyo muuqaalka aad ka dheehan karto wajigiisa, iyadoo ku tilmaamtay nin dilaa ah, hadana dhoola Caddeeya.

Hadalkan waxa ay ku sheegtay wareysi ay siisay Wargeyska Politico magazine, iyadoo isbarbar dhig ku sameyneysa maamulada Obama iyo Trump.

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku kala qeybsamay hadalka Xildhibaanada, iyadoo qaar ka mid ah ay ku sifeeyeen inuu yahay mid sax ah, halka kuwo kalena ay ku sheegeen in Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay ku sheegay mid u dooda dad aan Mareykan aheyn oo aysan shaqadeeda garaneynin.

Hadalka Ilhaan Cumar, waxaa ka faa’ideystay Warbaahinta u janjeedha dhinaca Yuhuuda, waxeyna buuq durba ka dhex abuureen gudaha Xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Mareykanka.

Todobaadyadii u danbeeyay ayey qabsatay Warbaahinta gudaha Mareykanka iyo tan Caalamka, iyadoo mar weerar ku qaaday Trump, mar kale oo ay weerartay hay’ad taageerta Yuhuuda iyo haatan oo ay saaran tahay madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka Barack Obama.

Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress-ka Mareykanka xubin ka noqday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top