Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Safar Deg-deg Ah U Baxaaya+Dalka Uu Ku Jiheysan Yahay Iyo Ujeedada Safarkiisa

focus

Madaxweyne Biixi Oo Safar Deg-deg Ah U Baxaaya+Dalka Uu Ku Jiheysan Yahay Iyo Ujeedada Safarkiisa

(SLT-Hargeysa)-Sida ay warar xog-ogaal ahi y xaqiijiyeen Somalilandtoday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa maanta u baqooli doona Dalka Imaaraadka Carabta.

Xoggaha ayaa waxa kale tibaaxayaan in ujeedada safarkiisa Muuse Biixi daaran tahay inuu soo saxeexo Heshiiska Saldhiga ciidammada Berbera Dalka UAE ka dhisanaayo oo gebogebo ah, lana filaayo inuu ku dhamaado muddo Saddex bilood gudahooda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaan waxba kala socon Qodobada Heshiiska Saldhiga Milateri ee UAE ka dhisanayso Berbera oo Xukumadii Siilanyo gashay, ku darsoo Golayaasha Qaranka iyo Shacabka ayaa laga qariyey Mucda Heshiiska ama wixii lays dhaafsaday.

Geesta kalena waxaa jira warar xogg ogaal ah isa soo taraya oo sheegaya in Muuse Biixi Cabdi uu Imaaraadka Carabta Kulan kula yeelan doono Farmaajo raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed gadhwadeen ka yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top