Waa Maxay Shawr-ku ama SOLITUDE WQ Axmed-xiis Dharbaan

Qarniga 21aad waxa la arki doonaa laba qof oo saaxiib noqda isniin illaa jimcaha. 150 oo ahaa raqamka celcelis qof kasta uu saaxiib la noqon jiray cimrigiisa, qarniga 21aad waa la dhaafin doonaa, waliba si saa’id ah. Sidaa waxa saadaaliyey Alvin Toffler.

1970kii ayuu kasii falooday qarnigan. Toffler iyo dhammaan dadka isa su’aala arimaha bulshada, waxa ay hoosta ka xariiqeen, mushkiladda insaanka soo foodsaari doonta Q21 in ay noqon doonto kali-nimo/wehel la’aan.

Noloshu waxa ay u dhaxaysaa mar aad naftaada la shawrayso iyo mar aad la joogto asxaabtaada/ehelkaaga. Labadaa wakhti kee baa waxtar badan?

Plato waxa

uu u codeeyey marka qofku uu gaar u baxo ee uu naftiisa la qaadanayaa in ay tahay wakhtiga ugu wax-soo-saarka badan. Ardaygisii Aristotle, isagu labada nololood wuu ku dhex lumay. Insaanku mar haddii ay ku nool yihiin magaalo – Polis – waxa farxad badan wakhtiga qofku uu la joogo insaanka kale. Wakhtigaas uu dadka kale la joogo ayaa maskax ahaana, qofku uu noqdaa mid midha dhala.

Aristotle, waxa mar kale tilmaamay wakhtigii ugu wacnaa ee Socrates in uu ahaa kaligii marka uu la qaadanayo naftiisa. Aristotle sida uu ugu dhex lumay, ma caqliga ayaa cilmiga dhaliya mise dareemayaasha ayaa keena aqoonta, waxa uu halkana u muuqdaa in uu qaatay beerka jecli xaydha jecli.

Qolyaha la yidhaa Stoic iyagu bacmada ay aminsan yihiin in laga qayb qaato siyaasada uma ay bigin nolosha qofku uu gaarka u baxayo – solitude – hadana waa ay u riyaaqeen dagganaashaha laga dhaxlo kalinimada. Epicurieans, waa qolada sadexaad ee Falsada’e shawrka gabi’ahaantiis.

Qofku in uu gar u baxo oo naftiisa wakhti la qaataa waa dadaal baadi loogu yahay farxad, nolol wacan iyo guul. Qof waliba qaabad ayuu u raadsadaa farxad, nolol wacan iyo guul; qarniba qeexid buu saaraa. Mudo iminka laga joogo boqol iyo 20 sano ka hor, farxad, nolol wacan iyo guul, waxa qeexida hada laga amminsan yahay ee ah LACAG/MAAL, saaray Andrew Carnegie oo isagu LACAGTA geeyey figta ugu saraysa ee guusha nolosha.

Farxadda, nolol wacan iyo guushu madaama ay ku jiraan jeebkaaga, gaar in aad naftaada u saartaa ma aha rayi midho dhal leh. Sidaa waxa dareen la’aan waafaqsan dad badan oo suuqa jooga.

Dadka ugu badan ee sabankan gacantooda ku khatima noloshoodu waa dad haysta LACAG. Waxa iyaguna jira dad maalqabeen ah oo ka baxsada gabi’ahaanba nolosha ay haystaan, iyaga oo raadinaaya farxad iyo nolol wanaagsan. Markaa waa daciif xadiiska odhanaya farxadu waa lacag.

Gaar-u-buxu ma aha nolol cusub; ma aha dhaqan u gaar ah gaalada. Nabi Muhammed csw marar badan ayuu gaar ula bixi jiray naftiisa ka hor intii aysan kusoo degin risaaladu iyo kadiba.

Diimaha samawiga ah dhammaan waa ay dhiirigaliyaan safarka qofku naftiisa ula baxayo gaarka. Tabliiqiyiinta ayaa kaw ka aha raga amminsan khuruujku in uu furfuro garaadka qofka.

Descartes oo ah ninka labaad ee noleeyey falsafada – Al Kindi ayuu ahaa ninkii kawaad ee dib u siraaday falsafada – waxa uu ku dheeraaday safarka gaarka ah. Réne waxa uu ka mid ahaa tageerayaasha wawayn ee amminsan SOLITUDE.

Sid aad xaga sare ku arkaysaan dadka amminsan maalku ma dhiirigaliyaan SOLITUDE. Waxa iyaguna aan amminsanayn SOLITUDE dadka haysta cilmiga kaliya in lagu hello khibrad ama aqoontu ay qofka kasoo gasho dareemayaasha. Aqoonyahankii reer Scotland ayaa kaw ka ahaa raga diidanaa SOLITUDE. Adam Smith waxa uu ku tilmaamay SOLITUDE qayb ka mida waalida. Adam waxa uu yidhi kali in aad naftaada la qadataa waxa ay kicinaysaa qabkaaga – ego.

Bacdama guushu ay tahay sida ay kolba ku arkayaan akhyaarta kugu hareeraysan, macno badan kuma fadhido in aad u baxdid safar oo dabadeed aad dayacdid dadkii aad nolosha la qadanaysay. Guushuba waa sida dadka kale ku arkayaan ee asxaabta illaasho; sawirka laga haysto ku dadaal naqshadayntiisa. Wittgenstein ayaa sidaa rumaysnaa oo isagu diidi jiray su’aasha ah waa maxay cilmi; jeclaana macnaha uun ka raag. Meaning is supperior than knowledge -Truth.

‘Solitude iyo Social’ waxa ay u muuqdaan laba nololood oo isku lidi ah. Aniga waxa ay illa muuqdaan labada daraf ee nolosha. Haddii wakhtigaaga oo dhan aad la qadatid asxaabta/ehelka, markaa waxa aad dabin u galaysaa bulshada oo waxa saqiiraya shiqsiyadaada. Haddii aad gaar u baxdid noloshaada oo dhana xaqiiq, waxa aad dabin u galaysaa baahi iyo iblayz.

Qofku marka uu gaar u baxayo ma buugaag buu sii qadanayaa uu hadhaw aqristo. Haa/MAY labadaba waa lagu jawabaa oo qolyaha amminsan Maya, waxa ay leeyihiin in aad qadatid buugaag; in aad xambaaratid mushkiladii nolosha, waxa ay macno tiraysaa ujeedkii safarka. Waxa aad noqon, qof wali bulshadii la jooga.

Henry David Thoreau oo samayn ku lahaa Gandhi iyo MLK Jr waxa uu mudo 2 sano ah ka dhuuntay luuqada, isaga oo u baxsaday kaymo ku yaalay Massachusetts. David wakhtigaas waxa uu qoray dhigane saamayntiisa lahaa oo la yidhaa Walden. Thoreau macalinksii Emerson oo ahaa ninkii xoriyada aqoonta Maraykanka uga qaaday Yurub, waxa uu amminsanaa in aysan muhiim ahayn in buugaag lasii xambaarto safarka SOLITUDE.

Emerson dhiganihiisa ‘Self-Reliance’ oo ka mid ahaa buugaagta qorqoray Obama, waxa uu dhiirigalinayaa qofku in aanu daba ordin sawirka ay dadku ka amminsan yihiin ee qofku uu lasoo baxo shiqsiyadiisa gaarka ah. Shiqsiyadaadu ma waxa ay noqonaysaa wax cusub -invention – mise waxa aad canjilaysaa qaab – hore u jiray/imitation. Emerson makala saarin. Waxa muuqata haddii qofku uu canjilayo ‘MYTH’ miyuu u bahan yahay shawris mise uma baahna? Labadaba! Maxa yeelay matalista lafteeda ayaa u baahan wakhti aad fadhiisisid irbada.

Shawrku – solitude – waxa uu wacan yahay marka aad u maqan tahay bulshada. Bulshada in aad ka safartaa ma aha go’aan loo qaaday dhanka horumarka.

Shawrku ma aha hawl u taala gaallada. Waa nolol ay la daris yihiin muslimiinta laftigoodu. Waa laba hadyadood – social and solitude – oo aan lakala dooran karin lase kala badsan karo haddii la i waydiin lahaa yaa muddan badsashadiisa? ‘Solitude’ ayaan odhan lahaa haka bato ‘social-ka.

Axmed-xiis Dharbaan
dharbaan00@gmail.com